Wefti Ka Socda Bangiga Adduunka Oo La Kulmay Guuddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaaalaha Dawlada iyo Arrimo xaasaasi ah oo lala xidhiidhanayo

0

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawlada Md Farxaan Aadan Haybe, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay weafti ka socda Baanka Adduunka oo ka koobnaa saraakiisha ugu saraysa Xafiiska Nairobi iyoย  xubno kale oo ka socday xafiiska Washington, kuwaas oo soo gaadhay magaalada Hargeysa.

 

Weftiga oo ay Gudoomiyaha wada ย Qaateen shir qaatay 4 saacadood iyo sooryo qado ah ย oo isla xafiiska xarunta Hayโ€™adda shaqaalaha Dawlada ay ku wada qaateen ayaa labadaย  dhinac waxa ay ka wada hadleen baraamijka xukuumada JSL ee dibu habaynta shaqaalaha iyo mashruuca Baanka Aduunku ku taageero siyaasada Xukuumada ee ah tayaynta, dibu-qaabaynta iyo taageerista aqooneed ee shaqaalaha Dawlada. Gudoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Farxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee hayโ€™adda shaqaalaha, Xubno ka mid Komishanka, madaxda mashruuca ee Hargeysa iyo agaasimyaasha waaxyaha ee Hayโ€™adda.

Waxa uu waftigu si qoto dheer uga waramay barnaamijka dibu-habaynta shaqaalaha ee xukuumada JSL iyo ahmiyada uu u leeyahay qaranka si gaarana mashruuca tayaynta shaqaalaha.

Gudoomiyuhu isagoo arintaas ka waramaya waxuu yidhi sidan; โ€œWaxa sharaf wayn noo ahayd in aanu shir waqti dheer ah la qaadanay Saraakiil sare oo ka socota Baanka Aduunka Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi Nairobi, Kenya iyo Washington, USA. Waxaanu ka wada hadalay dadaalka Xukuumada ee dibu habaynta shaqaalaha iyo si gaar ah mashruuca dibu habaynta shaqaalaha Dawlada oo Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladu la fuliso Baanka iyada iyo Wasaarado loo xulay hawshan. Waxaanu u sharaxnay halka hawshu imika marayso iyo waxa laga fuliyay qorshaha mashruuca oo ah mid hore loo sii dejiyay, waxaanay runtii ku farxeen sida dadaalka leh ee hawshaasi u socotoโ€.

 

Guddoomiyaha ooย  hadalkiisa sii wata ayaa ydhi: โ€œDhinaca kalena waxaanu isla eegnay dardar gelinta siyaasadaha la xidhiidha hawlgabka si dhalinyarada fursad shaqo loo siin karo oo ka balaadhan inta imika iyo dhaqan gelinta siyaasadahaย  shaqada iyo maamulka shaqaalaha. Waxa kale oo aanu la wadaagnay baahida loo qabo in shaqaalaha dawladu helaan adeeg caafimaad oo ay awoodi karaan iyo fursado hoy ay ku noolaadaan taas oo gacan ka gaysan karo baanka aduunka iyo dawladah gacanta siiya ayna wax wayn u tahay xukuumada soomaalilandย  hadii baahiyahaasi noqdaan qaar rumooba oo wax wayn ka tari kara kor u qaadista niyada shaqaalaha iyo tayada shaqada labadabaโ€.

 

Guddoomiye Farxaan waxa uu sheegay inay ugu danbayn isla waafaqeen fulinta inta hadhay Mashruuca, waxaanu yiidhi: โ€œWaxaanu ugu danbayn isla garwaaqsanay in fulinta inta hadhay mashruuca waqtigiisu iyo hawsha uu qabanayo ay keeni karto in la kordhiyo si uu baahiyaha kale ee ka baxsan qorshaha loogu talo galay uu wax ka tari karo.ย  Ugu danbay, waxa Gudoomiyaha Hayada Shaqaalahu oo ay weheliyaan xubnaha waftigu xadhiga ay ka jareen qaybaha cusub ee lagu kordhiyay xafiiskayada Hayโ€™adda gaar ahaan qaybta kaydinta xogta iyo qaybta bixinta kaadhadhka shaqaalaha oo lagu rakibay server casri ah si loogu kaydiyo xogta shaqaalaha yo qalabka biometric ee xogta lagu qaadoโ€.

 

Si kastaba ha ahaatee, Ujeeddada socdaalka weftiga baanka Adduunka iyo kulanka ay la qaateen guddoomiyaha Baanka Dhexe, ayaa lala xidhiidhinayaa inay ku sal-leedahay mad-madow iyo wax-is-daba marin la sheegay in lagu maamulay Mashruuc baanka adduunku maalgeliyey oo dib-u-habayn lagu samaynayey shaqaale-weynaha dowladda Somaliland.