Hargeysa (SLpost)- Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta u kicitamay dalka Jabuuti oo ay kaga qayb geleen tacsida aaska qaran gudoomiyahii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xeyd oo caawa lagu aasay Jabuuti

Xubnahan ka tirsan Xukuumada Somaliland oo ka kooban wasiirka wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirka Arimaha dibada Md Maxamed cabdilaahi Cumar, Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Waxbarashada Marwo Zamzam Cabdi Aadan, Marwada madaxweynaha Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, ayaa iyagoo wakiil ka ah Madaxweynaha, shacabka iyo dawladda Somaliland waxay kala qayb-galeen dawladda Jabuuti iyo Shacabkeeda Aas qaran oo loo samayeeyey Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Jamhuuriyada Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo caawa diyaarad lagu geeyey magaalada Jabuuti ka dib markii ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu xaalad Caafimaad-darro u yaalay.
Dhanka kalena mas’uuliyiintan ka tirsan xukuumadda Somaliland waxay gaadhsiinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, dawladda iyo shacabka dhambaal tacsiyadeed oo tiiraanyo leh oo ay ka sidaan Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
SOMALILANDPOST.NET