Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa sababaha horseedka u ah khilaafka ka dhex-aloosan Xisbiga Kulmiye masuuliyadeeda dusha ka saaray Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku eedeyey inay damacsan yihiin sidii ay dalka uga abuuri lahaayeen Kacdoon ku salaysan Koox-diimeedyada qalalaasaha ka abuuray dalalka Masar iyo Jabuuti.
Cabdilaahi Abokor oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay dalalka reer Galbeedku dhow jeer kala hadleen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin Koox-diimeedyo ka dhisan Geeska Afrika iyo dalalka Carabta.
Dhegayso
Audio PlayerSOMALILANDPOST.NET