Waxaan aad ugu hambalyeey Madaxa Barnaamijka Qiimee qofkaaga oo manta soo bandhigay 100 qof oo noqday haldoorka Somaliland waxaanan u hambalyeeynayaa Mudane Rashiid Sulub Caalin oo ku guulaaystay in uu galiyo wakhti badan.
Anigoo ah Hassan Waraabacadde kana mid ahaa dadka manta magacooda ku suntanaa haldoorka kana mid noqday 100 kaa qof kuna sugan hadda dalka Norway ayaan si niyadsami ah ugu mahadcelinayaa Shacbiweeynahaย Somaliland ee ii aqoonsaday haldoorka qiimeeyayna iyo sharafna aay ii tahay 20 sanno oo aan mutadawacnimo ugu adeegayay umadaayda gaar ahaan dhanka dhalinta iyo cayaaraha.
Waxaan yaqiinsaday in umadda laga dhexheli karo dad u hawlgala qiimeeyana haldoorkooda mar kale ayaan mahad u celinayaa Mudanr Rashiid Sulub Caalin iyo dadka reer Somaliland ee codkooda iigu aqoonsaday iguna qiimeeyay.
Alaa Mahad leh
Hassan Waraabacadde