Hiif aan dhammaanayn iyo hagardaamo joogto ah, waaxan ka doortay kala tageenna.Kalsooni laโaan iyo kulalyl aan kala joogsi lahayn, waaxan ka doortay kala tageenna. Jacayl laโaan iyo jahawareer aan jiho lahayn, waaxan ka doortay kala tageenna.
Daryeel iyo danayn laโaan, waaxan ka doortay kala tageenna. Dareen laโaan iyo dubjirnimo joogto ah, waaxan ka doortay kala tageenna.
Xilkasnimodarro iyo xallin laโaan, waaxan ka doortay kala tageenna.Waqti aan la isa siinayn iyo walbahaar aan dhammaanayn, waxaan ka doortay kala tageenna.Horumar iyo hadaf aan la wada hiigsanayn, waaxan ka doortay kala tageenna.Xiise maalmo kooban socda iyo xasarad joogto ah, waaxan ka doortay kala tageenna.
Jacayl aan jirrid adag ku taagnayn iyo jujuub maalinkasta taagan, waaxan ka doortay kala tageenna. Qalbiyo aan midaysnayn oon wada murugoon marna wada farxayn, waaxan ka doortay kala tageenna. Dulqaad laโaan, dulmi iyo damiir aan diirnaxayn, waxaan ka doortay kala tageenna.
Hoy, carruur iyo nolol la wadaagayo oo ay ka maqan tahay farxad aan la isla wadaagayni, waaxan ka doortay kala tageenna. Is-dhammaystir laโaan, is-aammin laโaan, raaligalin laโaan iyo riyo been ah, waaxan ka doortay kala tageenna. Ilin maalinkasta qubanaysa ka qubanaysa xididdada wadnaha indhuhuna xajin karayn burqashadooda, waaxan ka doortay kala tageenna.
Gocasho geeriyeysan oo gabalkii dhacaba aan dhammaanayn, waaxan ka doortay kala tageenna.Cadho aan laga soo noqonayn oo abid jiraysa, waaxan ka doortay kala tageenna.. Tegitaan sabab, sid iyo suul ay ku taagan tahay lahayn waaxan ka doortay kala tageenna. Khiyaamo aan loo meeldayin, oo degganaanshaha nolosha iyo damiirkaba dilaysa, waaxan ka doortay kala tageenna.
Ixtiraamdarro iyo af-gurracan, waaxan ka doortay kala tageenna. Is-barbardhig indho laโaan iyo bahdil nafeed, waxan ka doortay kala tageenna. Muran taagan oon dhammaad lahayn iyo murugo aan loo meel dayin waaxan ka doortay kala tageenna.
W.Q: Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com