South Korea(SLPOST) Waxaa maalintii labaad socda gurmadka loogu jiro in lagu soo badbaadiyo dadkii saarnaa Markab ku degay koonfurta wadankaasi Kuuriyada Koonfureed.
Markabkan oo siday dad ku dhaw 500 qof ayaa shalay arooryadii hore ku degay meel u dhaw jasiirada Jeju, waxaana weli la laโa yahay dad gaaraya 288 qof.
Hawlgalka gurmadka ayaa waxaa hakiyey xalay dabeylo iyo ciiryaamo ka jirta goobta uu ku degay Markabkaasi oo siday dhalinyaro badan oo arday ah. Ehelada dadka la laโa yahay ayaa dowlada ku eedeeyey inay la gaabisay hawlgalka gurmadka.
Illaa iyo hada dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay dhinteen ugu yaraan 9 qof, balse tiradaasi ayaa laga cabsi qaba inay sii kororto.