
Wellington, (SLpost)- Qormadeenna Caafimaad ee maanta waxaanu ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah xannuunada ugu saamaynta badan bulshada dalalka dunida saddexaad oo Soomaaliduna ka mid tahay. Xannuunkani waxa uu ku yimaadda dayacaad ku timaadda hannaanka maamul ee cunto-qaadashada qofka, ha yaraado ama ha weynaado’e.
Dhiig-yaraanta (Anemia) waxa sababa iyada oo tirada unugyada cas-cas eeย dhiiggaย oo ka yar sidii caadiga ahayd. Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jidhka oo dhan. Marka ay tirada unugyada cas-cas ee dhiigguย yar yihiin, ogsijiin yar ayaa gaadha qaybaha jidhka. Tani waxay qofka ka yeeli kartaa mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay.
Sababaha Keena Xannuunkan
โขDhibaatooyin ka yimaadda birta jidhka ku jirta ama cuntooyinka kale uu jidhku u isticmaalo
โขIn aan la cunin cunto ay birtu ku badan tahay
โขDhiig ka yimaada afka, hunguriga, caloosha ama xiidmaha
โขDhiig ka yimaada hoosta haweeneyda ama dhiig bax badan oo caadada ka yimaada
โขDhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha loโda ama caanaha adhiga
โขDhallaanka lagu quudiyo caano-boodhe aan lahayn bir dheeraad ah.
Calaamadaha lagu garto Xannuukan
Haddii aad qabto wax calaamadahaan ka mid ah, dhakhtarkaaga la hadal.
โขDaciif ama daal dareensan tahay
โขMaqaarkaaga, debnaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan
โขDhibaato ku qabto si kala cad u fekeridda ama jahawareer dareensan tahay
โขWar-wareer ama miyir beelid
โขNeefsashada oo kugu gaabata ama feedho xanuun
โขWadnaha oo si deg deg ah u garaacma
โขDhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora
Daryeelkaaga Caafimaad
โขDhakhtarkaagu wuxuu badhri doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kugu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada.
Daaweyntaada waxaa ku jiri kara:
โขCunidda cuntooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin khudradda bisil ama qeydhin, roodhi, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.
In aad cunto cuntooyin birtu ku badan tahay sida khudradda caleenta ah, hilibka iyo digirta.
Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh.
โขIn aad qaadato Bir kordhiye.
โขCabidda 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin walba.
โขIn lagu siiyo dhiig ku shubid si loo beddelo birta iyo dhiigga kaa lumay.
Isla markiiba Dhakhtarkaaga la hadal haddii aad:
โขWareereysid markaad istaagto
โขAy neefsashadu kugu gaaban tahay
Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada la hadal haddii wax suโaalo ama walaac ah aad qabtid.
Somaliladnpost.net
Qormooyinka Caafimaad