Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaarada maaliyaddaย ย Mud, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay weheliyaan Wasiiraddaย Warfaafinta Mud. Cabdi Yusufย ย Ducaale, Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal iyo wasiir ku xigeenkaย ย wasaarada waxbarashada Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa maantaย ย ย furay Carwadaย ย farsamadaย ย gacantaย ย oo lagu soo bandhigayย ย Hoolka Hayโadda shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa.
Waxaย ย ugu horayn furitaankii Carwadan ka hadlay wasiirka kaluumaysiga Cabdilahiย ย Jaamac Cismaan,waxaanu sheegay in ayย ย far-xad weynย leedahayย ย in dhalinyarada Somaliland ay soo bandhigaan carwadan farsamada gacanta.isaga oo wasiirkuย ย xusayย ย in ayย ย carwadaniย ย tahay midย ย keenaysa isku kalsoonaan iyo wax-wada qabsiย ย bulshada Somaliland dhexdeeda ah, isagoo intaas ku daray inย ย haddiiย ย dhalinyarada la baro farsamooyinka gacanta ayย ย keenayso horumarย ย la taaban karo in lagu talaabsado.
Wasiir ku xigeenka wasaarada wax-barashada iyo Tacliinta Sareย ย Cali xaamud Jibriil oo isna halkaasi ka hadlay,ย ย ayaa waxa uu sheegay in ay xoojinayaanย ย wax-barashada dugsiyada farsamada gacanta eeย Hargaysa iyo Burco.
Wasiirka wasaarada maaliyaddaย ย Mud, C/casiis Maxamed Samaale, oo si rasmi ah xadhiga uga jaray carwadaasiย ย ayaa sheegay in wax soo saarka dalkeena in sidan oo kale loo soo bandhigo ay ah-miyad weyn leedahay,waxaanuu u mahad celiyey Hayโada SAVE The Children .isagoo tilmaamay in wax- soo saarka farsamadaย ย gacantaย ย ay yihiin tabahaย ย keena horuumarka bulsho, taasoo ay hormuud u yihiin aqoon yahanada wax-bartay.
Waxaa kale oo madashii furitaanka Carwadan ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatada dalka oo tilmaamay In horumarka dalka ka jiraa uu yahay ka suurto galiyay in carwo noocan oo kale ah lagu qabto Somaliland .
Dhinaca kale waxaa carwadan garab socotay mid kale oo lagu soo bandhigayay agabka hidaha iyo dhaqanka u ah bulshadeena sida cawsaska aqal soomaaliga laga sameeyo iyo ashyaaโda loo adeegsan jiray cuntada, oo ay soo diyaariyeen Ururka Dhaqanka ee Tawfiiq.
SLpost News/Hargeysa