Wasiirro lacag badan ku lumiya barashada duruus saxaafadda la xidhiidha si ay aanay uga jawaabin suโ€™aalaha wariyeyaasha

0

Wasiirro lacag badan ku lumiya barashada duruus saxaafadda la xidhiidha si ay aanay uga jawaabin suโ€™aalaha wariyeyaasha

Qaar ka mid ah wasiirrada Dalka Ingiriiska ayaa ku kharash-gareeya ยฃ30,000 Gini barashada casharro ku saabsan saxaafadda si ay uga dabbaashaan suโ€™aalaha ad-adag ee ay weydiiyaan wariyeyaashu. Wasiira waxa ka mid ah, wasiirka dhaqanka Andy Burnham kaas oo iska diiwaangeliyey tabobarro saxaafadda khuseeya oo markiiba kaga baxayso ยฃ3,000 Gini.

wewTabobarrada oo inta badan qabta khubaroย  kuwaas oo kala taliya wasiirrada xarakaadka jidhkooda, dharkooda, timahooda iyo codka hadalkooda marka la waraysanayo, waxa kale oo ay u sheegaan tallaabooyinka lagaga baxo suโ€™aalaha ku-dhimada ah ee la weydiiyo, sida inuu sii wado ka jawaabista suโ€™aal kale ilaa uu joojiyo qofka waraysanayaa. Sida lagu sheegay xogo laga helay dawladda, sidoo kale waxa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka Lord Darzi oo ah ka ugu badan ee lacag ku kharash-gareeya tabobarrada saxaafadda isaga oo ay ku baxday ยฃ11,000 Gini.

Hormoodka xisbiga Conservative-ka Grant Shapps ayaa isaga oo dhalleecaynaya yidhi, โ€œShacabku yeeli mayaan inay maqlaan kharashka wasiirrada lagaga bixinayo barashada sidii ay isaga dhicin lahaayeen wariyaha suโ€™aalaha waydiinaya.โ€