Burco (SLpost)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, ayaa xadhigga ka jaray Dugsiga Agoomaha ee gobolka Togdheer, kaas oo ay Burco ka dhistay Hayโadda African Relief Committee.
Hayโadda African relief committee, oo ah Hayโad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah, ayaa Dugsigan ka hirgelisay magaalada Burco, waxaanu isugu jiraa Dugsigaasi oo Boodhan ahi jiif, cunto iyo waxbarasho.
Waxaana ka qaybgalay Munaasibadda lagu furay Dugsigaas Madaxda Hayโadda, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin dowladda Somaliland ka tirsan oo Wasiirro ka mid yihiin, waxaanay dhammaan xubnaha halkaas ka hadlay u mahad-naqeen Hayโadda African Relief Committee oo ay maalgeliso dowladda Kuwaite.
Ugu horreyn Cabdiraxmaan al-Macallimu oo ah Madaxa Xafiiska Hayโadda African Relief Committee ee Somaliland, ayaa ka warbixiyey Dugsigaas oo uu sheegay inay u diyaariyeen qaab dhammaystiran, isla markaana ku habboon deegaan waxbarasho. Waxaanu tilmaamay inay Hayโad ahaan Somaliland ka hirgeliyeen xarumo kala duwan oo waxbarasho oo ay ka faaโiidaystaan ubad badan oo Agoon ah, isla markaana ay sii wadi doonaan adeegyadooda waxbarasho iyo taakulaynta kala duwan ee ay Somaliland ka fuliyaan.
Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan), oo ka mid ahaa xubnaha xafladdaas Dugsiga lagu furay ka qaybgalay, ayaa ammaanay Hayโadda Kuwaydiga, waxaanu yidhi; โHayโaddan African Relief Committee ee Kuwait, waa hayโad qiimo weyn ku leh Somaliland, waxay ka soo aasaasantay caasimadda, waxay u soo fidday gobollada, waxaynu joognaa gobolka Togdheer oo ay Dugsigan qiimaha leh oo aynu filayno inay ka sii ballaadhiso.โ
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, oo isna xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin oo soo dhawaynayaan adeegyada Hayโaddani ka fuliso Somaliland. โWaa wax aad iyo aad loogu baahnaa, Hayโaddu hawsha ballaadhan ee ay dalka ka waddo Bari iyo Galbeed-ba waan uga mahad-naqaynaa. Xarunta ay Hargeysa ka dhistay Hayโaddu ee quruxda badan ee waxbarashada, beerta iyo qalabaynta tahayba, runtii door weyn bay ka qaadatay farsamada iyo bilicda-ba,โ ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshadu.
Sidoo kale, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; โHindisaha iyo hannaanka dowladda ayey tahay in la horumariyo waxbarashada, caafimaadka, farsamada gacanta iyo dhammaan waxyaabaha mustaqbalka ubadkeennu ku hagaagayo.โ
Waxa uu Wasiirka Dastuurka oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; โWaxa Hayโaddu wax ka tartay Boorama, Hargeysa iyo gobollo kale. Markii la xaqiijiyey waxtarka ay leedahay Hayโaddu, waxa la goโaansaday oo Madaxweynuhu uu Masuuliyiinta heer Qaran ee Kuwayd iyo kuwa halkan innala jooga intaba isugu yeedhay in Hayโadda dalka oo dhan lagu ballaadhiyo.โ Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Dastuurku.
Gebo-gabadii Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Dugsigaas furay, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu u mahad-celiyey Hayโadda Kuwait foundation oo uu tilmaamay inay barnaamijyo muhiim ah oo waxbarasho u badan Somaliland ka fulisay.
โArdayda waxaan ugu bushaaraynayaa waad aragtaan dhulka la idiin dhisaye, waa inaynu marka koowaad Allaah ugu mahad-naqnaa. Marka labaad waxaan Ardayda iyo Waalidkaba u sheegayaa, inaynu ka faaโiidaysanno oo aynu dhawrno hantida Badda ka soo gudubtay ee halkan la innoogu keenay oo aynu ilaashanno.โ Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland.
Hayโadda African Relief Committee, oo ah Hayโad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah, ayaa Dugsigan ka hirgelisay magaalada Burco, ayaa sidoo kale, goobo waxbarasho oo kan la mid ah ka hirgelisay magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa, sidoo kalena adeegyo taakulo ah ka fulisay guud ahaan gobollada Somaliland sannadihii u dambeeyey.