Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Xilalkii ka Qaaday Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaarraadda Qaar Cusubna u magacaabay

0

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa xilalkii ay wasaaraddaasi ka hayeen ka xayuubiyay masuuliyiin sarsare ka dib markii wasaaraddaasi ka bixi weyday khilaaf muddooyinkii u dambeeyey hadheeyey.

Masuuliyiinta xilalkii ay hayeen laga qaaday ayaa waxa ka mid ah Agaasimihii Telefishaka Qaranka Axmed Saleebaan (Dhuxul), Agaasimihii Wargeyska Afka Dawladda Ee Dawan Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Agaasimihii Maamulka Lacagta.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta ayaa u dhigna sidan:

โ€œAnniga oo ah wasiirka wasaarada war faafinta iyo wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ahna afhayeenka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa ย goโ€™aamo maamul oo daaran dar-dar gelinta hawlaha wasaarada war faafinta qaybo ka mid ah.

Waxa kale oo aan goโ€™aamadan aanu soo saarnay uga gol leenahay in aanu ย hawada iyo saaxadaba ka saarno hadal haynta dami wayday ee lagu saydhinaayo wasaaradda war faafinta oo ka mid ah hormoodka hayโ€™adaha jamhuuriyada Somaliland, ee uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dadaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtawdo in guulihii xukuumaddan ย dadaashay loo bedelo guul darooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo dadba muraad ka lahayni.

Waxa kale oo aanu goโ€™aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro- ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha wasaaraddan:

Goโ€™aammada wasiirka:-

1.ย ย ย ย Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha waaxda maamulka iyo TV-ga Qaranka:

Soddonkii bishii Julaay 2012-kii ayaa hanti-dhawr ku waa-bariistay wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland hawl-galkaas oo dhaliyay in saldhigaย Koodbuur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay xeer ilaalinta iyo maxkamada oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii daysay dammiin.

Intaa ka dib war qad u qoran sidii taararkii hore ayuu hanti-dhawrku noo soo qoray, taasi oo ay ku sheegeen:

-tirade lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay.

– iyo in aanu hawshiisii geli karin ilaa ay baadhistu dhamaanayso.

ย Xasan Maxamed Maxamuudย xerada wasaaradda warfaafinta in uu soo galo wax fal danbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu wax hawl ah qaban ilaa inta ay baadhistu dhamaanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taala ma aha. Waa hawl u taala hanta-dhawrka iyo garsoorka Somaliland, waxaana lagu camal fali doonaa wixii goโ€™aamo ah ee ka soo baxa.

Haddaba maa-daamma ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee wasaaradduna u xannibnaan karin waxaan si-ku-meel-gaadh ah ugu magacaabayaa:

1: Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaaleย oo ah Agaasimaha waaxda maamulka ee idaacada Radio Hargaysa.

2: Xuseen C/laahi Deeqsiย oo ahaa madaxa barnaamijyada ee TV-ga qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland.

3:ย  Cumar Maxamed Faaraxย oo ahaa tafaftiraha wargeyskaย Dawan,ย waxaan u magacaabay guddoomiyaha Dawan Media Group.

Anniga oo hawshoodii hore ee ay soo qabteen uga mahad celinaya, waxaan si naxariis leh oo weliba dabacsan uga codsanayaa madaxdii xilalkaa hore haysay in ay madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyaga oo mahad san ugu danbayn 1-da bisha September 2012-ka.

Waxaa xilalkaa kala wareejintooda u xil saaran ย in ay fuliyaan guddida hoos ku qoran:

1.ย ย ย ย C/rashiid Jibriil Yuusuf:ย ย Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta.

2.ย ย ย ย Siciid Aadan Cigge:Agaasimaha Radio Hargaysa.

3.ย ย ย ย Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda qorshaynta.

FIIRO GAAR AH:

Baahida jirta awgeed, ku simaha agaasimaha waaxda maaliyada iyo xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxuu hawshiisa bilaabayaaย  berrito oo ay bishu tahay 28-ka ogosto 2012, haddii Eebe idmo.โ€™

Gobonimo dadkaa muddan,

Galladana Allaa iska leh.

Muddane C/raxmaan Yuusufย  Ducaale (Boobe).

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta jamhuuriyada Somaliland.