Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta soo saaray qoraal fulin goβaan ka soo baxay Guddiga Cadaaladda kaas oo ujeedadiisu tahay Beddel garsoore, Shaqo ka tagis ku xigeen Xeer ilaaliye Guud, Magacaabid Xeer ilaaliye ku xigeen .
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee uu ku dhaqan-gelinayo go’aanka Guddiga Cadaaladda ayaa u dhignaa sidan:-

βWasaarada Cadaaladda oo Cuskanaysa Qodobka 106-aad ee distoorka Qaranka Farqadiisa 1aad,oo qeexaya in Wasaarada Cadaaladu u xilsaaran tahay fulinta goβaanada gudida cadaalada, waxay oo goβaamisay in:
1. Sheekh Xasan Sh.Saalax Xasan Β laga beddelay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Gar adag, Β looana beddelay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Caynabo oo awood Maxkamad Gobol ku shaqaynaysa.
2. Guuleed Axmed Jaamac oo ahaa ku xigeenka xeer ilaaliye Guud, laga ogolaaday shaqo ka tagis uu soo codsaday , Booskiisiina loo magacaabay Shucayb Maxamuud Cilmi Axmed inuu noqdo ku xigeenka Xeer ilaaliye Guud.
3. Liiska ku Xigeen Xeer ilaaliyaha Guud laga saaray Alle ha u naxariistee Marxuun Yuusuf Maxamed Cigaal.β
SLpost News/Hargeysa