Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Sheegay inay Qabteen Gacan ku dhiigle dilay Taliyihii Xaaji Saalax

0

Hargeysa (SLPOST) wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii ciidanka Xaaji Saalax.

Cali-1

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka war bixiyeyย  hawl galo nabadayn ah oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada bariga iyo hawdka magaalada Hargeysa kuwas oo uu wasiirku sheegayย  inay dhamaantood ku soo dhameeyeen si nabad galyo ah.

Ugu horayn wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii ciidanka Police-ka Xaaji Saalx, waxaanu mahad naq balaadhan u jeediyey dhinacyo door ah oo kala

qayb galay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglahaas waxaanu yidhi โ€œโ€œwaxaan jecelahay inaan dadweynaha ugu bushaareeyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii Xaaji Saalaxย  taas oo uu imika ku jiro gacanta dawlada, arintaas oo ah mid aad u qiimo badan aniga oo u mahad naqaya dhamaanba dadkii nagala shaqeeyey sidii aanu gacanta ugu dhigi lahayn gacan ku dhiiglahaas oo dilay sarkaal ciidanka Police-ka ah oo madax ka ahaa Police-ka Laan Mulaaxo ee Xaaji Saalax, waxaanan u mahad naqayaa salaadiintii qiimaha lahayd ee gacanta ka gaysatay in la soo qabto gacan ku dhiiglahaas, waxa kale oo aan u mahad naqayaa cuqaasha, ciidanka ย Police-ka, bulshada deegaanka oo gacan ka gaystay, dawlada Ethiopia oo gacan balaadhan na siisay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa reerkii uu ka soo jeeday marxuunka la dilay oo naga aqbalay inay ku kalsoonaadaan dawlada oo aanay haba yaraatee wax dhaq dhaqaaq oo aargoosi ahย  samaynin, maantana aan u sheegayo in gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayo.โ€ Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade.

Sidoo kale wasiirka arimaha guduhu waxa uu ka war bixiyeyย  hawl galo nabadayn ah oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada bariga ee dalka iyo hawdka magaalada Hargeysa waxaanu yidhi โ€œHawl galadii aanu ku jirtay wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarado kale oo naย  wehelinayey waxaanu ku guulaysanayย  in shaqaaqooyinkii ka dhacay dhinaca bariga iyo hawdka dalka inay si wanagsan u dhamadeen oo ay dhamaantoodba meel fiicanย  oo nabad galyo aanu gaadhsiinay haday tahay kuwii bariga ee ka kala dhacay Ceeldhaab, Oog iyo Adhi Cadeeyo.โ€ Ayuu yidhi wasiir Cali Waran Cade

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland