Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Khatarta Baraha Bulshada

0

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore, ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland inaanay rumeysan waxa lagu soo qoro baraha bulshada (Social Media), isaga oo ku tilmamay inay adduunka dhib weyn ku hayaan, isla markaana dalka khal-khalgeliyeen.

Wasiir Koore waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay โ€˜Kulanka wada-tashiga Wasaaraddaha iyo hayโ€™adaha dawladda ee wacyi-gelinta heer qaranโ€™ oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Mar uu ka hadlayay Koore muhiimadda ay qaranka u leedahay Wacyigelintu, ayaa waxa uu yidhiโ€œUmadda reer Somaliland si weyn ayay ugu baahan tahay in waaxda iyo wacyi-gelinta qaranka guud ahaan la xoojiyo,โ€ฆwaa wax maskaxdeena ka soo wada burqanaya in loo baahan yahayโ€

Wasiirka Warfaafintu waxa uu ka garaabay khatarta barasha bulshadu ku hayaan Qaranimada iyo xogaha lagu baahiyo oo uu ku tilmaamay qaar aan lagu kal-soonaan Karin.

“Baraha Bulshadu (Social Media) waa waxa dalka khal-khaliyay, oo adduunkana dhib ku haya, oo aan lahayn masuuliyad loo raaco, iyo xogtiisa meesha laga raadinayo oo aan si dhib yar loo helin,ama dad baddan oo fikirkooduย  masuuliyaddi saarnayn ay waxay doonaan ku qorayaan, Dad ayay isku dirayaan, waxay doonaan ayey ku hadlayaan, wax beena (Fake) ayay sheegayaan, wax laga yaaba inay dad ay hor ILAAHAY u akhristaan oo run u qaataan,” ayuu yidhi Wasiir Koore.

Sidoo Kale, Wasiir Koore waxa uu ka hadlay sheegay sugnaanshiyaha wararka ay baahiyaan hayโ€™adaha war-baahineed oo tix-raaca leh โ€œHaddii TV war sii daayo, Ama Jariiradii wax qorto, ama Idaacadii hadasho, waxay leedahay tix-raac lagala xidhiidhayo khaladka ay gashoโ€.Ayuu yidhi.

โ€œUmadda reer Somaliland waxaan leeyahay baraha bulshada (Social Media) waxa lagu soo qoraa run xaqiiqaย  maaha. Qofkasta oo wax qoraa ama Meesha (Social Media) wax soo dhigaa macnaheedu maaha inuu run sheegayoโ€. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi โ€œWaxaynu u baahanay inaynu noqono umad garaadkeedu koray, Waxaynu rabnaa inaynu noqono umad la jaan-qaada umadaha kale ee maanta jira,Afrika, Geeska Afrika iyo caalamka-ba.Waxaynu nahay dal aan weli la aqoonsanโ€.Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan-KOORE.

Wasiir Koore waxa uu ku dooday in wahtigan umadda Reer Somaliland lagu soo dhex-dhuumankaro, waxaanu yidhi:โ€œSomaliland intii aan joogay waxaan ku garanayay dad garan-kara qofka cadowga ku ah, iyo qofka nasteexa u ah kala garta, Laakin imika waxaad mooda in lagu soo dhex-dhuumaankaro marka la eego sida loo kicinayo iyo sida loo isticmaalayo, iyo sida caqligeena loo caayayoโ€.

Was