Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahay, isagoo tilmaamay inΒ shilka ku dhacay uu u arko mid ku yimi isagaoo hawlo qaran gudanaya.
Wasiirka oo dhaawac ka soo gaadhay Shilkii khamiistii ay isaga iyo wasiirka caafimaadku ku dhaawacmeen, waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta u waramayey warbaahinta.
Ugu horreyna isaga oo xaaladdiisa ka warramaya waxa uu yidhi;Β βXaaladeyda Caafimaad aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay,ILAAHAY ayaan ku mahadinayaa waxaan ka jabay gacanta midigta oo ah cudduda, waxaan ahayn cad goβa yar waan wanaagsanay, laakin waxaan ahay ninkaa sare fadhiya ee soconaya meel kale oo aan wax ka qabo ma jirto, dadkuna waxay Telefoonka igu soo weydiinayaan ilkuhu miyey kaa daateen? Maya ilka iga daatay ma jirro, Dhabarka miyaad wax ka qabtaa? Maya laf-dhabarteyda iyo dhabarku-ba way fiican yihiin oo waan ka soconayaa, Ma socon kareysa? Haa waan socon karayaa, oo waanigan cagahayga isku taagaya ee ku soconaya,β sidaa ayuu yidhi wasiir Cukuse.
Mar la weydiiyey Cabdilaahi Cukuse waxa uu u mahad-naqay shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibad-ba sida ay uga xumaadeen shilkii aan galay, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi βWaxaan u mahad-naqayaa Xukuumadda Somaliland iyo dhamaan shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibad-ba, ee sida weyn u muujiyey dareenka ay ka qabaan,Dabcan annaga oo hawl-qaran ku jirna ayuu shilku shalay (Khamiis)aniguna waxaan u arkayey uun in wax weyn nalagaga furtay, haddaanu Weftiga nahay, oo intan yari (Dhaawac) noqonayso wax ILAAHAY loogu samrro, waanan ugu xamdi-raqaynaa ILAAHAY in balaayo weyn oo innagu soo socon lahayd ay intan yari inaga soo gaadhay, oo nafteena maalin kale la inoo dhigtay oo naf-waliba way baxaysa, laakin maanta may ahayn ee dib ayuu ILAAHAY inoogu dhigay Al-xamdulilaahi rabil Caalamiinβ.
Waxa kale oo la weydiiyey Wasiir Cabdilaahi Cukuse shilku goorta uu dhacay iyo halka uu ka dhacay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi βShilku waxa uu ka dhacay Geel-lookar, waxa uu gaadhigu ila dhacay 8:15-miridh, oo Baabuurkayga iyo Baabuurka Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa is-weydaaranayey oo labada baabuur ayaa isku dhacayβ.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, ayaa shalay loo qaaday dalka Jabuuti si halkaas baadhis caafimaad oo dhammaystiran iyo dawaynba loogu sameeyo.
SOMALILANDPOST.NET