Wasiirka Qorsheynta oo dedefeeyey Eedo Musuq-maasuq oo loo jeediyey Xukumadda, faahfaahinna ka bixiyey Qaabka Deequhu u soo gaadhaan dalka

0

Hargeysa, 11 April 2012 (SLpost)- Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Sacad Cali Shire ayaa si adag u dedefeeyay dhaliilo loogu jeediyey xukuumadda uu ka tirsan yahay inay Sanduuq dibadeed u samaysatay Deeqaha dalka la siiyo isla markaana faahfaahin ka bixiyey nooca hayโ€™ad Horumarineed oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Ingiriiska.

Wasiirka Qorsheyntu waxa uu sheegay in deeqaha waddamada horumariyey ay Somaliland siiyaan loo soo mariyo hayโ€™ado caalami ah kuwaas oo mashaariic kaga fuliya dalka gudihiisa isla markaana aanay jirin Lacag toos ah oo xukuumadda gacanta laga geliyo.

Waxa uu wasiirku sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay oo warbaahinta la soo gaadhsiiyey, waxaana warsaxaafadeedkaas uu si qoto dheer ugaga hadlay siyaasadda xukuumadda uu ka tirsan yahay ee ku wejehan Deeqaha Somaliland la soo gaadhsiiyo.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

โ€œWaxaa jira beryahan dambe eedeymo saxaafadda lagu baahiyey oo ku saabsan leexsad deeqo layna siiyey. Giddigeenba shicib, siyaasiyiin iyo dawladba waxaa xil innaga saaranyahay ilaalinta iyo dhowrista hantida qaranka. Dawladdana in la dhaliilaa hanaanka dimuqraadiyadda aynu dooranay ayey ka mid tahay. Waxaase haboon in aynu marka hore fahanno habka deeqda laynoo siiyo.

Waddamada soo koraaya ee la aqoonsanyahay deeqda la siiyo inteeda badan waxaa toos gacanta looga geliyaa dawladda oo lagu kabo miisaaniyaddeeda. Deeqahaa waxaa bixiya dawladdo ย ama hayโ€™ado (Bilateral Aid). Innaka maadaama aan layna aqoonsanayn deeq toos ah oo lacag ah cid inna siisa ma jirto. Deeqaha layna siiyo oo dhan waxaa laynoo siiyaa si dadban. Waxaa laynoo soo mariyaa hayโ€™adaha qaramada midoobey, hayโ€™adaha samafalka ee caalamiga ah, shirkado gaar ah, ama hayโ€™adaha samafalka ee wadaniga ah. Deeqahaasi waxay inna soo gaadhaan iyaga oo mashaariic ah. ย Mararka qaar waxaa mashaariicdaas fuliya wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dawliga. Mashruuc waliba wuxuu leeyahay ujeeddo, waxsoo saar, daba gal iyo xisaab celin. Waxaan filayaa in aanay jirin welina lama kulmin hayโ€™ad lacag mashruuc loogu talo galay ku shubtay akaawn gaar ah oo masuul qaran leeyahay.

Waxaa iyana jirta suโ€™aalo badan oo layska weydiiyey ujeedada, qaabdhismeedka iyo shaqada hayโ€™ad la yidhaahdo Shirkada Harumarka Soomaaliland (Somaliland Development Corporation) oo ay si weyn isugu hawleen ugana shaqeeyeen muwaadiniin reer Somaliland ah iyo saaxiibo Somaliland oo muhiim ah. Hayโ€™addaas oo laga diiwaan geliyey dalka Ingriiska. Guddida agaasinka hayโ€™addu waxay ka koobantahay xubno muwaadiniin ah iyo xubno iIngriis ah. Hayaโ€™ddu waa hayโ€™ad madax banaan oo aan dawli ahayn. Waxay ka koobantahay laba qaybood: Qayb hayโ€™ad samafal ah iyo qayb shirkad gaara ah.

Qaybta samafalku waxay la mid tahay hayโ€™adaha samafal ee caalamiga ah. Ujeedadeedu waxa weeye in ay mashaariic harumar wadanka ka fuliso. Mashaariicdaas oo ay maal gelindoonaan wadamada iyo hayโ€™adaha deeqda bixiyaa.ย  Qaybta shirkadda gaarka loo leeyahay ujeedadeedu waxa weeye in ay soo hagto oo u fududayso sidii ay u maal gashan lahaayeen wadanka shirakaha ajanebigu.

Waxaa iyana hawshiisu socotaa saduuq (Trust Fund) ay wadajir u samaynayaan dawladda Ingriiska iyo dawladda Denmark. Sanduuqa lacagta ku soo dhacda waxaa si toos ah lagu fulindoonaa mashaariic harumarineed. Qaab dhismeedkiisa, iyo hab maamulkiisu weli waa hawl qabyo ah oo socota.

Deeqaha layna siiyaa imminka kama muuqdaan miisaaniyadda dhexe ee dawladda waayo dakhli khasnadda dhexe ku soo dhacay oo dawladdu goโ€™aamiso sida loo isticmaalaayo maaha. Hase yeeshee siyaasadda dawladda ayey ka mid tahay in miisaaniyadda lagu xusu oo lagu lifaaqo warbixin wixii sannadkii hore deeq wadanka soo gaadhay iyo odoros waxay hayโ€™aduhu ugu talo galeen sanadka soo socda iyo meelaha loogu talo galay. Si ay taasi innoogu hir gasho waxaynu u baahanahay in aynu hayโ€™adaha ka hello warbixin iyo qorshayaashooda. Arrinkaasi sidii uu innoogu fulilhaana hawshiisu way socotaa. Sharciga Hayโ€™adaha Samafalka ee uu madaxweynaheenu saxeexay November 2010 ayaa faraaya kuna waajibinaaya hayโ€™adaha in ay xogta wax qabadkooda iyo qorshahoodaba ay u soo gudbiyaan dawladda.

Dawladda madaxweynaheema Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu hoggaaminaayo waxaa ka goโ€™an, siyaasadeeduna tahay in la dhawro oo la ilaaliyo hantida ummadda ama cashuur ha noqoto ama deeq la siiyey ha noqotee. Hawshaana waxaa u xil saaran hayโ€™ado khaas ah sida hantidhawrka iyo hayโ€™adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Guud ahaanna shacab, baarlaman iyo dawladba waxaa xil innaga saaranyahay dayac ka ilaalinta hantida qaranka. ย Haddii cidi ku takrifasho ama ย lagu tuhmo in ay leexsatay wixii lagu aaminay, waxaa loo baahanyahay in hayโ€™adaha sharciga ah ee arrinkaasi khuseeyo la gaadhsiiyo, iyana waxaa ku waajib ah in ay xilkooda gutaan. Taasbaana Saldhig u ah siyaasadda dawladda.”

Dr. Saad Ali Shire

Wasiirkaย  Qorshaynta Qaranka iyo Horumarka’