Wasiirka Madaxtooyada Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Loo Dhisay

0

 

Hargeysa(SLpost)-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaamisay islamarkaana ay soo agaasimeen taliska iyo saraakiisha ciidanka ย Ilaalada madaxtooyada JSL ย ayaa lagu qabtay ย xarunta ย qasriga madaxtooyada Somaliland, waxaana kasoo qeyb galay wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland ย Xirsi Cali Xaaji Xasan ujeedadeenu daaranayd ย xadhig ka jirista dhismayaal ย cusub oo ciidanku samaysteen .

Ugu ย horayn Waxaana halkaasi ka hadlay ย taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada JSL gaashaanle sare Axmed Cali ย Maygaag ย kana war bixiyey ย mudadii uu joogay waxqaabdkiisa isagoo xusay inuu ย qabtay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhismayaasha cusub ee maanta xadhiga laga jaray ย sidoo kale waxaa uu xusay taliyuhu beerta Wajaale oo ah beer u gaara oo ay leeyihiin ย Ciidanka Madaxtooyada Somaliland laguna sameeyey dayactir balaadhan hadana ay lana manaafacaadsado wixii ka soo goโ€™a beerta, iyadoo loo sameeyey dhismeyaal isugu jira laba qol oo ay degan yihiin ciidanku iyo istoodh weyn oo lagu kaydiyo wixii ka soo goโ€™a beerta waxaana lagu caawiyey ciidankaasi gaadhi qabaala oo ku adeegtaan, Taliye Axmed ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inay jiraan ย dhismayaal badan oo laga hirgeliyey ย Madaxtooyada Somaliland ayna leeyihiin Ciidanku waxaaana uu amaanteeda gacan qabashadeedaba usoo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo uu sheegay inaanay laโ€™aantii suura gasheen aadna ugu mahad celinayaan, sidoo kale waxaa uu sheegay inay ciidanku leeyihiin kala danyn ย iyo nimaad ay raacaan iyadoo haybadooda iyo tabaradadooduba tahay mid aad u heer saraysa.

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji ย Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ย hanbalyo u diray Ciidanka Madaxtooyada ย Somaliland oo uu ugu horeeyo Taliye Axmed Cali Maygaag, taliye ku xigeenka Ciidanka Cabdi Cismaan Ducaale iyo Saraakiisha kala duwan ee ciidanka soona dhaweeyey dhismayaashaasi loo dhisay ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waxqabadka iyo dedaalka balaadhan ee ay sameeyeen, Wasiirka ayaa sheegay dhankooda inay diyaar u yihiin wax la qabashada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo kor u qaadida Haybadooda ciidan.