Washington (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa suโaal geliyey sababta maxkamadahu ugu dhaqmi waayeen xeerka dhaqan-galka ah ee saxaafadda marka ay ka garnaqayaan dacwadaha la xidhiidha suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.
Wasiir Xirsi oo wakhtigan ku sugan dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in xadhigga iyo xayiraadda lagula kacay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland loo maro dariiq sharci, sharciga dalka u yaalna dadku u wada siman yihiin, balse suโaali ka taagan tahay sababta loo adeegsan waayo xeerka saxaafadda u yaal.
โWaxaan filayaa sharciga ayaanay dadku si u wada aqoon. Warbaahintu waxay ku xidhan tahay waa sharci oo darriiq sharci ah baa loo maray. Cidda xidhay ama xayirtay waa maxkamad oo dariiq sharci ah baa loo maray, laakiin haddaad leedahay maxaa xeerka saxaafadda loogu qaadi waayey ama loo xidhay waa suโaal iswaydiin leh. Dalku wuxuu leeyahay sharciyo kala duwan, cidda doorataana waa cidda gacanta ku haysa oo ah garsoorka, iyagaana doorta sharciga ay ku qaadayaan cidda eedaysanaha ah, laakiin xeerarka dalka u yaal dadku way u siman yihiin,โ ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabay suโaal idaacadda VOA-du ka waydiisay sababaha warbaahinta la xidho loogu adeegsan waayey xeerka saxaafadda Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay socdaalka weftiga madax-dhaqameedka Soomaaliya ee booqashada ku yimi Somaliland, waxaanu yidhi, โWeftiga noo yimi ee odayaasha ah waxay ahaayeen wefti odayaal-dhaqameed ah ee may ahayn siyaasiyiin, markaa manaan kulmin, sabab aan ula kulanaana may jirin oo waxay ahayd arrin dhaqan. Odayaasha dhaqanka iyo ururrada rayidka ah ayey is-arkeen. Intaan ka war qabo, waa dad walaaltinimo ugu yimi ayey ahaayeen ee arrin kale muu jirin, siday sheegeenna siyaasad umay socon, laakiin way u sheegeen mawqifkayaga. Mowqifka Somaliland ma aha wax qarsoon oo haddii uu siyaasi yahay, hadduu oday yahay iyo hadduu inan yahay, waa wax mowqif kaliya wadaaga. Oday-dhaqameedka Xamar ka yimi way arkeen mowqifka dadka Somaliland oo ah in aanu goonni-isu-taagga Somaliland ku xidhnayn waqti iyo qof toona ee uu yahay wax ummadda ka soo goโay.โ
Wasiirka oo ka hadlayey ujeeddada uu daarran yahay socdaalk uu tagay dalka Maraykanka, waxa uu yidhi, โWaxaan u imi inaan dawladda Maraykanka kaga qaybgalo dhawr ballamood oo aan halkan ku lahaa hadday ii suurtogasho xilligan oo aan fursad u helo. Dabbaaldegga aan reer Somaliland kala qaybgeli doono oo muhiimadda koowaad ii ah, waxaanan filayaa in shan xafladood oo qorshaysan aan ka qaybgalo.โ
SOMALILANDPOST.NET