Washington (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta la kulmay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal Maraykanka isaga oo kala hadlay arrimaha Aqoonsiga, dhaqaalaha, shaqo-abuurista.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasaaradda Arrimaha debedda Somaliland, isaga oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan:
โWasiirka arrimaha debedda JSL Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal dublamaasiyadeed oo ku wajahan sidii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah ku jooga cariga Maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada Maraykanka.
Dr. Omar & Senator
Wasiirka Arrimaha dibeddu waxa uu kulamadan la yeeshayย ย Guddoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada Maraykanka Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Republican-ka ee imika ka taliyaย Aqalka Wakiilada, xildhibaan Donald Payne oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Gudidaย ย Africaย u qaabilsan Aqalka Wakiilada kana tirsan xisbiga Democratic-ga, xildhibaan Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Democrat-ka.
Dhinaca Aqalka Senate-ka Maraykanka waxa uu wasiirku kulamo kala yeeshay Senator Christopher Coons,ย ย Guddomiyaha Gudida Africa eeย Agalka Senate-ka kana tirsanย ย xisbiga
Dr Omar and Representative
Democratka, Senator Johnny Guddoomiye Xigeenkaย ย Gudidaasiย kanaย tirsan xisbiga Republicanka iyoย Senator Mark Kirk oo ah Xubin ka mida Guddida Ansixisa Kharashkaย Dawlada Maraykanka oo ka tirsan xisbiga Republican-ka.
Dhamaanba Xildhibaanadaasiย uu la kulmay wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somalilandย ย loogaย caawin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqoย abuurista iyo abaaraha ka jira Somalilandย oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Somaliland, waxaana ay dhamaantoodbaย ย masuuliyiintaasi niyad-samaan ka muujiyeen horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca nabadgelyada,ย dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad-badeedda.
Waxay dhinacooda muujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arrimahaasi uu wasiirku carrabaabay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hayโada USAID in la kordhiyo mucaawimadii la siin jiray Somaliland.โ
Dr. Omar in USA
Waxay ahayd shalay markii uu wasiirku kulamo la yeeshay saraakiil, masuuliyiin ka tirsan macadka caalamiga ah ee IRI, hayโadaha horumarinta Maraykanka iyo kuwa arrimaha bulshada, kulankaas oo lagaga hadlay sidii loo kordhin lahaa horumarinta iyo dhaqaalaha lagu taageero Somaliland.
Booqashada Wasiirka ee Dalka Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalka joogaan qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhanka doorashooyinka iyo horumarinta arrimaha bulshada, waxaanay kulamo la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyaga oo kala hadlay xaqiiqooyinka doorashooyinka dalka ku soo fool-leh iyo sidii loo hirgelin lahaa.