Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sh Cabdilaahi Suufi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, waxa uu ku amray inay ruqsadaha ay dalka kaga hawl-galaan dib u cusboonaysiistaan Shirkadaha Baahiya Adeegga Muuq-baahiyaha isticmaalaha hirar gudaha ee dalka.

Dr Cabdiwali Sh Cabdilaahi Jawhar waxa uu Shirkadahan Muuq-baahiyaha Cable Tv ugu baaqay inay muddo soddon maalmood gudahood ah ku cusboonaysiiyaan ruqsadaha, kuwa aan wasaaradda ka diiwaangashanayna muddadaas isu-diiwaangeliyaan.
Wareegtada wasiirka oo ku taariikheysan 05-ta bisha April 2021, ujeeddadeeduna tahay Ruqsadaha Hirarka isgaadhsiinta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornayd sidan:-
โWasaaradda lsgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyada oo dhaqan-galinaysa Xeer-Nidaamiyeyaasha ay soo saartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeer-Nidaamiyaha Ruqsadaha Adeegyada lsgaadhsiinta Xeer LR. 04/2020 lyo Xeer-Nidaamiyaha Maamulka Hirarka isgaadhsiinta Xeer LR. 05/2020 waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan shirkadaha dalka ee ka shaqeeya Adeegga Muuq-baahiyaha loo yaqaan (Cable TV) in ay dib u cusboonaysiiyaan Ruqsadda Hirarka lsgaadhsiinta ee ay hore u haysteen iyaga oo soo buuxinaya foomka cusub ee ay Wasaaraddu u dhigtay udeeggan.
Sidoo kale, waxa lagu wargelinayaa shirkadaha bixiya adeega muuqbaahiyaha ee guud ahaan dalka kuwaas oo aan ka diiwaan-gashaynayn Wasaaradda in ay isa soo diiwan-geliyaan oo ay qaataan Ruqsadda Hirarka lsgaadhsiinta.
Haddaba, dhammaan shirkadahaas waxa aan ku adkaynayaa inay si deg-deg ah ku hirgeliyaan wareegtadan kor ku xusanย muddo soddon maalmood gudahood ah taasoo ka bilaabmaysa 05 April 2021 ilaa 05 May 2021.
F.G. ย Shirkadda aan wakhtiga kor lagu xusay is-diiwaangalin ama aan cusboonaysiin ruqsadda hirarka Isgaadhsiinta, wasaaraddu waxa ay ka qaadi doontaa tallaabo waafaqsan shuruucda Wasaaradda.โ Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay wareegtada uu maanta soo saaray.
Somalilandpost.net