Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta deeq xoolo-dhaqaneed ah gudoonsiiyay Todoba iyo Sodon Qoys ,deeqdaas oo ay ku caawisay hayโada Munadamatu dacwa al Islaamiya .
Madaxa hayโadaas ee dhinaca waxbarashada Sh. Maxamed Axmed Kaahin ayaa sheegay in deeqdan xoolaha ahi ay ka kooban tahay lix boqol oo neef oo adhi ah,Sadex iyo Konton neef oo geel ah iyo Boqol iyo Konton neef oo Loโ ah kuwaas oo uu dhamaantoodbaย ย xusay inay yihiin Xoolo dhaqmaad ah, Masโuulkani waxaa kale oo uu intaas ku daray in qoys kastaba la gudoonsiiyay shan neef oo loโo ah iyo labaatan adhi ah,Waxaa kale oo uu sheegay in qoysaska qaarna la gudoonsiiyay Sadex neef oo geel dhaqameed ah,waxaa kale oo Sh,Maxamed Axmed Kaahin uu ka waramay Qorshaha hayโdan ee ku wajahan wax u qabashada dadka danyarta ah.
Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa sheegay in hayโada Munadimatu dacwa al Islaamiya ay door muhiim ah kaga jirto taakulaynta dadka danyarta ah ee ku tabaaloobay abaarihii dalka soo maray,Wasiirka awqaaftu waxa uu tilmaamay in deeqdan xoolaha ahi ay wax weyn ka tari doonto nolosha dadka danyarta ah.
Sh Khaliil waxa uu ku booriyay dadka danyarta ah ee xoolahan loo qaybiyay inay sida ugu haboon uga faaโiidaystaan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxa hayโada Munadimatu dacwa al Islaamiya Dr C.qani Muuse Yuusuf ayaa ka waramay kaalinta horumarineed ee hayโadani ka qaadato nolosha dadka danyarta ah.
SLpost News/Hargeysa