Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradaha Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa galabta ka furay garoonka Hargaysa Stadium tartan kubadda cagta ah.
Tartankan oo ay ka qayb-qaadanayaan kooxaha heerka saddexaad qaarkood oo xidhiidhka kubadda cagtu soo qaban-qaabiyey iskla markaana ay maalgelinayso hayโada Mercy Crops, waxaa furitaankiisii ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Qodax oo sheegay in tartankani yahay mid tijaabo ah,isla markaana aanay u dhamayn kooxaha heerka Sadexaad.
Sidoo kale Sarkaal ka socday hayโada Mercy Crops oo halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa u mahadnaqay masโuuliyiinta wasaarada,waxaanu xusay in dhalinyarada Somaliland ay yihiin qaar jecel ciyaaraha kala duwan isagoo intaas ku daray in hayโad ahaan ay wada shaqayn leeyihiin wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Wasiirka Wasaaradaha Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo gabo gabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciyaartii koowad ee tartankani ay ku soo hagaagtay dib u dhiska iyo dayac tirka lagu sameeyay garoonka hargaysa studium waxaanu amaan u soo jeediyay hayโada ka taageertay qabsoomida tartankan,waxaa kale oo Wasiirka ciyaaruhu kula dardaarmay kooxaha ka qayb qaadanaya tartankani inay muujiyaan akhlaaq iyo anshax wanaagsan oo ciyaareed.
Labada kooxood ee lagu furay tartankan ayaa kala ah Himilo iyo Red Sea .
Somalilandpost.net
Maxamed Cabdi Aadan (indho)
indho145@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland