Gabiley, (SLpost)- Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa shalay ย safar shaqo ย ku tegay magaaladda Gabiley. Waxaanu wasiirku soo kormeerayย dhismaha xarunta cusbitaalka Dhimirka ee magaaladda Gabiley oo uu hadda dhismihiisu socdo iyo sidoo kale cusbitaalka guud ee Gabiley. Kormeerkani uu wasiirka caafimaadku ย ku tegay Gabiley ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa mid uu ugu kuur-gelayay guud ahaanba xaaladda caafimaad ee gobolka gaar ahaana ka magaaladda Gabiley. Waxaanu wasiirku soo indha-indheeyay hab-sami u socodka hawlaha shaqo ee xarumaha caafimaadka Gabiley iyo sida ay bulshadda ugu adeegayaan. Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa intii uu joogay Gabiley waxa uu kulamo la yeeshay madaxda ururka SAMO-KAAB oo iyagu gacanta ku haya dhismaha cusbitaalka Dhimirka, maamulka gobolka iyo ka degmadda gabiley iyo sidoo kale xubno ka mid ah cuqaasha, salaadiinta iyo wax-garadka magaaladda.
Waxaana la sheegay in wasiirku dhinacyadii uu kulamadda la yeeshayย in ay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsanayd sidii loo dhamaystiri lahaa cusbitaalka Dhimirka iyo sidii ay wasaaradda caafimaadku gacan uga geysan lahayd hawsha dhamays tirka dhismaha cusbitaalkaasi.
Kadib markii uu soo dhamaaday kulamadaasi uu wasiirka caafimaadku la qaatay maamulka gobolka, ka degmadda, madax-dhaqameedka iyo masuuliyiinta ururka SAMO-KAAL ayay si wad ajir ah war-baahinta ula hadleen dhinacyadii kulamadaasi wada qaatay. Maayarka degmadda Gabiley Aamiin Cumar Cabdi, oo ย ย ugu horayn saxaafadda la hadlay waxa uu yidhi ย โWaxaanu halkan si kal iyo lab ah ugu soo dhawaynaynaa wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo noogu yimid kor-meer uu ugu kuurgelayo xaalad caafimaad ee gobolka. Iyo sidoo kale xog-ogaal u noqoshadda xaaladda Abaareed ee gobolka ka dhacday iyo saamaynta caafimaad ee ay ku yeelatay ย dadkaโ.
Waxaanu halkan kula kulmay laba qof oo xanuunsanayo, oo ka mid ah dadkaย ay ย saamaynta caafimaad darradda ku yeelatay abaartu, oo aanu shalay ka soo qaadnay tuuladda loo yaqaano Boodhka, kuwaasi oo uu wasiirku xaaladoodda soo eegay. Aniga iyo wasiirku waxaanu si wada jir ah u iclaaminaynaa in xaaladda abaareed ee gobolka Gabiley ka jirtaa ay tahay mid adag,ย oo imika dadkii taabatay inta ay xoolihii iyo baadkii ay cunayeenba ay soo dhaaftay.โ
Maayarku waxaa uu sheegay in wasiirka caafimaadkuย hore u balan qaaday in uu ย ka qayb qaadanayo dhamays ย tirka dhismaha cusbitaalka Dhimirka, isagoo xusay in wasiir xaglo-toosiye uu horeย lacag ugu deeqay dhismaha cusbitaalkaasi, isla markaana uu haddana diyaar u yahay sidii uu gacan uga geysan lahaa. ย โWasiirku wuxuu hore u balan qaaday in uu garab-gelayo dhamays tirka dhismaha cusbitaalka Dhimirka, oo ay ururka SAMO-KAAL gacanta ku hayaan, iyadoo lacag horena uu wasiirku ugu deeqay, maantana ay ururka SAMO-KAAL ka wada hadleen sidii loo dhamaytiri lahaaโayuu yidhi maayarka Gabiley.
Dr. Xaglo-toosiye, oo halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in uu gacan ka geysanayo dhamays tirka dhismaha xarunta Dhimirka ee Gabiley, isagoo xusay in haddii wax waliba ay sida loo qorsheeyeen u socdaan in shaqadda cusbitaalku ay ย dhakhso u bilaabmi doonto. Waxaanu yidhi โHaddii wax waliba sidda loogu tallo-galay ay u dhacaan, shaqadu way inoo bilaabmi doontaa laba ama saddex bilood gudahood. Waxaananu diyaarinaynaa shaqaalihii ka hawl-geli lahaa, maamulkii, oo aynu inoo isku duuban wada samayn doono, haddii ay tahay madaxda gobolka, ururka SAMO-KAAL, wax-garadka iyo maamulka degmaddaba.โ
Waxaanu intaasi ku daray wasiirku in uu miisaaniyadda wasaaradda caafimaadka ku dari doono raashinka loogu tallo-galay dadka bukaanka ahi, dhismaha xarun MCH oo cusub iyo sidoo kale in balaadhin lagu sameeyo qaybta dhalmadda ee MCH-ka imika lagu shaqeeyo.
โWaxaanu miisaaniyadda wasaaradda caafimaadka ugu dari doonaa, Raashinka iyo Kabka, iyo in ย MCH-kale la dhiso, kan imika lagu shaqeeyana la balaadhiyo qaybta Dhalmadda. Waanan dhamays tirayaa cusbitaalka Dhimirka, waayo magaaladu waa magaallo weyn runtii, markaa in adeegyadda caafimaadka la balaadhiyaa waa muhiimโayuu yidhi wasiirka caafimaadku.
Mar uu ka hadlayay xaaladda abaarta ee ka taagan degmaadaasi, waxa uu yidhiย โMar haddii ay imika abaartu soo dhaaftay xoolihii, oo ay soo gaadhay dadkii waxay saamayn ku yeelatay caafimaadkii. Mar haddii ay dadkii soo gaadhayna waa meeshii ugu danbaysay, markaa xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba fadhiga ka kaca, oo aynu Gurmannoโ.
Haweenay ย ย ka mid ah ururka SAMO-KAAL ee gacanta ku haya dhismaha cusbitaalka Dhimirka oo halkaasi ka hadashay ย ayaa wasiirka uga mahad celisay sida wanaagsan ee uu adeegyadda caafimaadka uga hirgeliyay guud ahaanba dalka gaar ahaana gobolka iyo degmadda Gabiley.
โAnnigoo ka mid ah xubnaha ururka SAMO-KAAL, waxaan mahad aad iyo aad u balaadhan halkanย uga celinayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka,ย oo ah masuul aad u fir-fircoon oo Somaliland oo dhan dhinaca caafimaadka wax ka qabtay. Wasiir haddii aanu nahay bulshadda ku dhaqan degmadda iyo gobolka Gabiley, waanuย kaaga mahad celinaynaa sida aad wax badan noola qabatayโ ayay tidhi marwadaasi ku hadlaysay magaca ururka SAMO-KAAL.
Badhasaab ย ku xigeenka gobolka Gabileyย Cali-case, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wasiirka caafimaadka uga mahad naqay barnaamijyadda dhinaca adeegga caafimaadka ee uu ย ka qabtay degmadda iyo gobolka Gabiley. Waxaanu wasiirka uga ย waramay baaxadda abaarta gobolkaasi ka jirta iyo saamaynta ay ku yeelatay dadka.
Waxaanu yidhi ย โWixii hore ee aadย degmadani iyo gobolkaba u qabatay aad iyo aad ayaanu kaaga mahad naqaynaa. Wixii ย danbe ee aynu maanta ka wada hadalnayna, ย waxaanu rejaynaynaa in aad wax nagala qaban doonto.ย Mudane ย wasiir, ย sida aad la socoto waxaa gobolkani ka jirta abaar baahsan, taasi oo imika soo dhaaftay heerkii ay xooluhu ku dhimanayeen, oo soo gaadhay in ay dadku u dhintaanโ.