Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen-Xoog) ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Cusbitaalka magaalada Hargeysa Dr. Maxamed Axmed (Carabayte) oo muddooyinkii u dambeysay ahaa Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa.

War kooban oo wasiirka Caafimaadku warbaahinta siiyay ayuu ku sababeeyey tallaabada xil-ka-qaadista Agaasime Carabyto oo sheegay in shaqadii cusbitaalku fadhiisatay loona baahan yahay in la derder-galiyo baahida Cusbitaalka Hargeysa, waxaanu wasiirku ku dooday inuu sharcigu u bannaynayo inuu xil-ka-qaadis ku sameeyo agaasimaha cusbitaalka Guud.

Muddooyinkii ugu dambeeyay, waxa jiray khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sarraysay wasaaradda Caafimaadka Somaliland, sida Agaasimaha Cusbitaalka iyo wasiirka Caafimaadka kaas o salka ku haya is-maandhaaf ka dhashay hawlaha iyo adeegyada caafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo masuuliyiinta wasaaradad Caafimaadka oo ay ku jirto wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Somaliland.