Wasiirka Beeraha oo isku Shaandhayn ku Sameeyay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradiisa

0

Hargaysa(SLpost)Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyey Agaasime waaxeedyada Wasaaaradda Beeraha.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Sacad Muuse Cabdi oo ku sabsanayd isku shaandhaynta iyo magacaabista Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Beeruhu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

 

Ujeedo: Magacaabis Iyo Iskushaandhayn Agaasimayaal

 

Markii ay u muuqatay Wasiirka W/Beeraha baahida in la dardargaliyo tayaynta shaqada Wasaaradda Beeraha iyo kordhinta tacabka waxsoosaarka

Markii uu Wasiirka W/Beeruhu arkay in gabdhaha waxbartay ay ku dabranyihiin karaani ama xoghayn oo aan waafaqsanayn xuquuqda distoorka qaranku ย siiyey haweenka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaadna amaray in loo fuliyo, wuxu soo saaray magacaabis iyo iskushaandhaynta soo socota:-

Magaca Agaasimaha ย ย ย ย ย ย  Waaxaha Wasaaradda Beeraha
Cabdirashiid Maxamed Axmed Agaasimaha Waaxda Bustaanadaย  iyo Shinida Malabka
Ibraahim Carab Ceelaabe Agaasimaha Waaxda Cagafyada, Gaadiidka ย & Horumarinta Beeraha
Maxamed ย Liibaan Ismaaciil Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Biyaha
Hodan Axmed Maxamed Agaasimaha Waaxda Qorshaynta & Tirokoobka
Yaasmiin Xasan Saciid Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Cabdirasaaq Cabdillahi Ibraahim Agaasimaha Waaxda Tijaabada & Abuurbadinta
Ibraahim Cumar Kaahin Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Xidhiidhka Hayโ€™adaha

 

Alla Mahadleh,

Sacad Muuse Cabdi

Afhayeenka W/Beeraha