Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Warbaahinta Ka Codsaday Inay Dhinac Wanaagsan U Adeegsadaan Qalinka

0

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa dardaaran ujeediyay warabaahinta dalka, isagoo xusay inay dhinaca wanaagsan awoodda saaraan.

Wasiir Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa qodobeeyay doorka wanaagsan ee warbaahintu ku yeelan karto horumarka bulshada.

Sidoo kale waxa uu saxafiyiinta uga dayriyay inay dhinac xun u adeegsadaan warbaahintooda, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. โ€œWarbaahinta waa seef laba afleh dhinac xun iyo dhinac wanaagsan labadaba. Sidoo kale siyaasiyiinta ayaan iyaguna wada saaloonayn, haddii aynu saxaafadda ka eegno dhinaca wanaagsan waa dhinac aad iyo aad u qiimo badan, waxaanay horseed ka noqon karaan oo ay bulshada u hogaamin karaan:

  • Waxbarashada
  • Horumarka
  • Akhlaaqda wanaagsan
  • Qiyamka iyo
  • Shucuurta

Waxa kale oo ay baraarujisaa jiilka cusub iyo dhalinyarada, waxaanay bartaa waddaniyada iyo dal jacaylka iyo ilaalinta nabadda iyo xasiloonida.โ€

Dhinaca kale Cali Waran-cadde waxa uu ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee dalka, isla markaana waxa uu bulshada ku ammaanay sida wanaagsan ee ay nabadda dalkooda u ilaaliyaan.