Wasiirka Arrimaha Gudaha oo si weyn u dhaliilay Hayโ€™adda UNDP iyo Waxqabadkeeda

0

Hargeysa, 03 April, 2012 (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale ayaa dhalliilay Hayโ€™adda horumarinta Mashaariicda u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, taasoo uu ku eedeeyey inay ku fashilantay hirgelinta heshiis ay dawladda Somaliland la gashay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu sheegay inaanay UNDP hirgelin ballan-qaadyo ku saabsan inay samayso qorshe dirayska lagaga beddalayo Booliska Somaliland iyo dhismaha xarun cusub.

.โ€œWaxa ugu muhiimsanaa in booliska loo dhiso xarun wayn oo laga guuro xarunta gabawday,ย  may dhisin Haโ€™yadda UNDP. Sidoo kale waxay ballan qaaday in Dirayska ciidanka dhamaan laga beddalo, labadiiba midna kama hayno ilaa hadda. Heshiiskii 2012-ka lala galilahaa waxa uu u xayiran yahay maxay kii hore ay ku qabatay,โ€ sidaa ayuu yidhi Wasiir Duur oo maanta hadal ka jeediyey xaflad uu xilka kula wareegay taliyaha cusub ee Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan oo lagu qabtay taliska guud ee Booliska ee magaalada Hargeysa.

Wasiirku waxa uu u soo jeediyey, isla markaana ka dalbaday UNDP inay hirgeliso mashruucaas, โ€œWaxaanu cid walba kula xisaabtamaynaa in xaaladeeduย  biic noqon oo Nin walba qaranka sida uu doono aanu uga fa,iidaysan. UNDP waxaan ka codsanaynaa inay booliska waxay la qabanaysay ay la qabatoย  waxay qabanaysanaย  wax cad ay noqoto,โ€ ayuu yidhi wasiirku.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland