Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka Hadlay Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

0

 

 

Djibouti(SLpost)-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay arrimaha wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, xaaladda gobolada Sool iyo Sanaag iyo doorashada ka socota dalka Somaliya ee 2016ka.

Wasiirka oo ku sugan magaalada jibouti ee dalkaasi Djibouti ayaa sheegay in wada hadalada Soomaaliya uu sharcigu siiyay xukuumadda Somaliland oo kaliya inay la hadasho,isla markaana ay iyadu arimiheeda kala tashan karto cida ay doonto.

โ€œSidaad la socotaan wada hadal ayaa u socda Somaliland iyo Somaliya gogashana waxa u fidiyay dawlada Turkiga. Sharciga Somaliland waxa uu siinayaa awooda wada hadalka dawladda oo kaliya waana wada hadalo soo socday ilaa 2012kii, Dawladu iyaddaa xaq u leh haddii ay la tashanayso cid ha ahaato salaadiinta,arimaha bulshada ama shacabka Somaliland.ciddii ku xad gudubtana sharciga ayay is waajahahayaan โ€œDr Sacad Cali Shire.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Md Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay inaanay Somaliland qayb ka ahayn doorashada ย dawlada Fadaralka Somaliya ee 2016-ka.

โ€œSomaliland qayb kama aha dawladda Fadaralka Soomaliya, qaybna kama aha tabaabushaha doorashada 2016ka ee ka socda Somaliya aanay khusayn, Somaliland waxa ay galaysaa doorasho 2017ka tii baarlamaanka iyo Madaxwaynaha .Cidd kasta oo ku guulaysata doorashada 2016ka ka socda Somaliya waanu la galaynaa wada hadalada Somaliya laakiin faragalin mayso qaybna kama ahaโ€ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Somaliland.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu ka hadlay xaalada SOOL iyo SANAAG isagoo sheegay inay cid qalalaase ka waddo amniga goboladaasi balse Somaliland ilaashanayso amnigeeda iyo midnimadeeda.

โ€œWaxa ayaamaha warbaahinta ku jiray samaynta maamul SOOL iyo SANAAG ,Somaliland midnimadeeda ayay ilaashanaysaa raalina kama aha cid soo faragalisa amnigeeda,Somaliland waa wadan degan oo aamin ah ,waxaana amnigeeda faaโ€™ido ku qaba gobolka oo dhan ,wixii Somaliland gudeheeda ka dhalinaya amaan daro waxa uu saamaynaa gobolka oo dhan โ€œDr Sacad Cali Shire.

Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaliya ayaa wada hadalo u socdeen ilaa 2012kii,kuwaasi oo laga wada hadlayay qadiyada labada dalka,waxaana la sheegay inuu jiro qorshe Turkigu doonayo inuu madaxdhaqameed u bedelayo arimahii wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

ย 

Somalilandpost.net, Djibouti

ย