Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa guddiga uu Guddoomiyaha Guurtidu u xil-saaray dejinta khilaafka xisbiga Kulmiye ujeeddada hawl-galkooda ku sifeeyey sidii ay labada dhinac ee is-afgaran-waagu ka dhex aloosan yahay u tusi lahaayeen midkooda dariiqa saxda ah ee sharciga waafaqsan ku socda.
Md Cali Waran-cadde oo maanta shir-jaraaโid ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu sheegay in lagu Guddo jiro Furdaaminta Khilaafka Kulmiye ee Labada Garab uu kala Qaybiyey ee ay kala Hogaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.