Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay goโaan uu liqi kari waayey oo madaxweyne Siilaanyo ugu jeediyey inuu Muuse Biixi uga tanaasulo Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiy eoo uu loollan adag u galay iyo sida uu u qaatay talada madaxweynuhu u jeediyey oo uu sheegay inuu ahayd mid aad ugu adkeyd, balse uu madaxweynaha ka aqbalay.
Wasiir Samaale waxa uu sidaas ka sheegay Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta oo uu lagu marti-qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaas oo lagu shaaciyey in la soo afjaray xurguf siyaasadeed oo u dhaxaysay hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA
Somalilandpost News
Hargeysa/Somaliland