Gabiley (SLpost)- Wasiirka wasaarada arimaha gudaha mudane maxamed nuur caraale ( Duur), ayaa la filayaa inuu safar ku yimaado magaalada gabiley isagoo haatan ku sugan magaalada borame lama oga ujeedada rasmiga ah ee socdaalka wasiirka ย hasayeeshee waxuu socdaalkani dib u dhigay sida la sheegay kalfadhigii caadiga ahaa eeย golaha deegaanka gabiley yeelan lahaayeen oo berri ku beegnaa.
fadhigan golaha deegaanka ayaa ahaa mid todobaadadii u dambeeyayba si wayn looga hadalhayay ย magaalada gabiley ย wallow aanu ahayn fadhiย xilka lagaga qaadayo hogaanka golaha hadana waxaa lagaga arinsanayay fadeexado iyo fashilaado siyaasiya oo dul hoganaya hogaanka golaha deegaanka gabiley islamarkaana ay kaga arinsanayeen golaha deegaankuย waxa laga yeelayo.
Socdaalkan wasiir duur ku imanayo berri magaalada gabiley inkastoo aan la shaacin ujeedadiisa hadana waxay dadweynaha reer Gabiley isweydiinayaan โWasiir Duur markuu Borame tegay wadooyin iyo waxqabadย ayuu xadhiga ka jaree talow gabiley ma waxuu xadhiga ka jari birtan argagixsada la iskaga dhigo ee dawlada hoose lagu soo kordhiyayโ taasi oo ah waxa kaliya ee maayarka hadu ku soo kordhiyay dawlada hooseย birtaa iyo dabdamis uu soo jeediyay inay ganacsatadu ka soo bixiyaan iyo cagaf bajaaj yar
Si kastaba ha ahaatee walow xildhibaanada qaar qabaan inaanu socdaalka wasiirku baajin karin kalfadhigooda hadana waxaa laga dhursugayaa socdaalka wasiir duur iyo waxuu ย ka yidhaa xaalada golaha deegaankaย Gabiley ee cakiran iyo hogaankoodan fool daranhabaabey.
Weriye: Cabdikariim Muxumed Cadde(Gabiley)