Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Si Gaar ah Isha loogu hayo iyo Sababta

0

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafintu ka mid tahay dhowr wasaaradood oo hay’adda shaqaaluhu si gaar ah isha ugu hayso.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyey munaasibad wasaaradda warfaafintu ku abaal-marisay shaqaale karti iyo hawl-karnimo shaqo muujiyey, waxa uu sheegay in wasaaradda warfaafintu ka mid tahay saddex wasaaradood oo hay’adda shaqaaluhu si gaar ah ula socoto, isagoo taas ku sababeeyey tira-badnaanta shaqaalaha ee wasaaradda ka hawl-gala oo ah meesha ugu badan ee ay ka shaqeeyaan shaqaale ku-meel gaadh ah oo aan mushahar qaadanin.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha