Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay kulan bilowga u ah lafo-gurka miisaaniyad-sannadkeeda 2015 la qaatay masuuliyiinta qaar ka mid ah hayโadaha dawladda.
Kulankan oo shalay ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxa ka qayb-galay Wasiirrada Ganacsiga, Kheyraadka Biyaha, Hawl-galaha Guud, Maareyaha hayโadda Ka hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo xubno kale, ayaa bilow u ah kulamo kala duwan oo wasaaradda maaliyaddu kula gorfaynayso wasaaradaha iyo hayโadaha dawladda isu-dheelli-tirka dakhliga iyo wax-soo-saarka ay ku leeyihiin miisaaniyad-sannadeedka sannadka soo socda.
Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sharraxay ujeeddooyinka ay xambaarsan yihiin kulamada ay la qaadanayaan masuuliyiinta dawladda.
โWaxaanu maanta (shalay) bilownay faaqiddaada miisaaniyadda qaranka ee 2015-ka ee aanu wasaaradaha iyo hayโadaha kala duwan ee qaranka la yeelanayno, hawshaasina sidii aanu ugu talo-galnay ayay noogu bilaabantay, maanta waxaanu la kulannay wasaarado iyo hayโado kala duwan oo dhammaantood aanu ka doodnay waxna iskula eegnay siday noqonayso miisaaniyadda 2015-ku, si aad u qiime badan baanu uga wada-hadalnay, tiiyoo ku-talagalka miisaaniyadda 2015-ka aanu doonayno meelaha culayska la saarayo ay ugu horreeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, sidaas awgeedna, aanu mudnaanta koowaad siin doono arrinta doorashooyinka,โ ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland isaga oo sheegay inay maalmaha soo socda uu kulamo noocan ah la qaadan doono masuuliyiinta laamaha dawladda.
Kulamada wasaaradda Maaliyaddu la qaadanayso hayโadaha kala duwan ee dawladda, ayaa la qorsheeyey inay socdaan muddo 12 maalmood ah, iyada oo sida wasiirku sheegay diiradda lagu saari doono kharashaadka ku jira miisaaniyadda sannadka soo socda ee loogu talo-galay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka 2015-ka.
SOMALILANDPOST.NET