Hargeysa, (SLP)- Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ayaa ugu baaqday guud ahaan kalluumaysatada inay bilaabantay diiwaangelintii kalluumaystadu, isla markaana ay ka faaโiidaystaan oo ay qaataan liisamada kalluumaysi.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayradka badda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in guud ahaan kalluumaysatada Somaliland meel kasta oo ay joogaan looga baahan inay ka faaโiidaystaan diiwaangelinta, si loo kala garto, iyaga iyo dadka kale ee aan kalluumaysatada ahayn. โWaxaanu faraynaa kalluumaysatada Somaliland inay bilaabantay maanta oo ay taariikhdu tahay 27, April, 2015 diiwaangelintii kalluumaysatada Somaliland, waananu ku wacyigelinaynaa inay is-diiwaangeliyaan meel kasta oo ay joogaan,โ ayuu yidhi wasiir ku-xigeenku, waxaanu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa sii wata. โXataa qolooyinka gobollada ka jira sida Hargeysa, Boorama iyo Burco, waxaanu ku adkaynaynaa inay ka faaโiidaystaan diiwaangelintaas oo ah aqoonsi sax ah oo ay kaga duwanaanayaa cid kasta oo aan ahayn iyaga. Sidaa darteed waa inay is-diiwaangeliyaan.โ
Somalilandpost.net