Hargeysa, 02 April, 2012 (SLpost)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay Qalab Casri ah oo lagu rakibay garoonka diyaaradaha eeย magaalada hargeysaย kaas oo wax weyn ka tari doona Ammaanka madaarka.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawadaย Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo faahfaahin ka bixiyey qalabkan ayaa sheegayย in qalabkan lagu dhamaystiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,isaga oo tilmaamay inuu wax ka tari doono amaanka dadka soo degaya, kuwaย dhoofaya iyo guud ahaan amaanka dalka. Wasiirka oo Arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, โWaxa maanta madaarka caasimadaย ee Cigaal International Airport lagu dhamaystiray qalab casri ah oo baadhaya Shandadaha iyo dadka, kaas oo xoojin doona amaanka dadka dhoofaya, kuwa soo degaya iyo guud ahaan amaanka qarankabaยก.โ
ย Wasiirku waxaa uu intaa sii raaciyey hadalkiisii,โHawshan mudo dheer ayaanu soo wadnay waxaana aad nooga caawisay dawlada dalka ingiriiska oo aanu aad ugu mahad naqayno, qalabkana waxa loo tababaray dhalinyaro jaamiciyiin ah kuwaas oo iyagu ku shaqayn doona.โ
Wasiirka ayaa sheegay in hawlaha dhinaca dhismaha iyo amaanka ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay qayb ka qaadatay xukuumada Somaliland. โHawlahan dhinaca amaanka iyo dhismayaasha ee ka socda garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa xukuumada Somaliland way ka qayb qaadatay maalgelintooda taas oo ilaa iyo intii ay xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka la wareegtayย aan mar kaliya la joojin dhismaha madaarka, haatana maraya meel fiicanย iyada oo dhismayaal badan lagu soo kordhiyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarku,โ ayuu yidhi Wasiirku.
SLpost News desk
Hargeysa, Somaliland