Wareeggii Labaad ee Baadhista Xabaal-wareedyada Xasuuqii Shacabka oo maanta ka bilaabmay Hargeysa

0

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha bulshadaย  ee Somaliland,ย  ayaa maanta ka qayb-galayย  hawlgalka Baadhitaanka Xabaal-wadareed ay ku aasan yihiin qaar ka mid ahย  dadweynihiiย  uu taliskii Siyaad Barre xasuuqay.

Xabaal-wadareeddan oo ku taala barta loo yaqaan Badhka ee Koonfurta magaalada Hargeysa, ayaa baadhitaanka lagu sameeyey noqonayaa wareeggii labaad ee laguย  daah-furayo Xasuuqii Somaliland ka dhacay sannadihii siddeetameedkii oo lagu gumaaday dadweyne faro badan, waxaana fulinaya hawsha baadhitaankan fulinaya Khubaro Ajaanib ah oo ka tirsan ururka Caalamiga ah ee EBAF oo ay ku midaysan yihin xeel-dheerayaalย  ku takhasusay Baadhitaanada Xasuuqyada Iyo Xabaaalo-wadareedyada, iyada oo ay la shaqaynayaan dhalinyaro aqoon-yahano ah oo reer Somaliland ah, iyadoo ay goo- joog ahaayeen guddigaย  baadhista iyo dabagalka Xasuuqa Somaliland.

xabaalo wadareedGuddoomiyaha guddida Baadhista Xasuuqii ka dhacay Somaliland Mr Khadar Axmed Like oo goobta ay hawshu ka socoto kula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyey geeddi-socodka baadhitaanada joogtada ah ee xabaalo wadareedyada ku yaala dalka Somaliland,ย  kuwaasi oo ay ku jiraan dad sida naxariis-darro ah ay u xasuuqday dawladdiiย  milateriga ahayd ee Siyaad Barre.

Mr Khadar Axmed Likeย  waxa uu sheegay In guddi ahaan ay hayaan caddaymo ay ka heleen baadhitaano ay hore u fuliyeen, waxaanu tilmaamay in Xasuuqii ka dhacay Somaliland uu ahaa isir naceybย  lagu bartilmaameedsaday shacabweynaha Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna sheegay in Xasuuqii ka dhacay dalkani uu ahaaย  mid aan shaki ku jirin oo markhaati cad leh, Isagoo ugu baaqay bulshada Somaliland inay si wada iir ah u taageeraan dedaalka iyo hawlgalada lagu caddaynayo Xasuuqaas.

Wasiirku waxaanuย  sheegay in khubaradan shisheeyaha ahi dalka u yimaaddeen sidii ay warbixinno dhamaystiran uga samayn lahaayeen Xasuuqii xiligaasi dhacay, isla makaana ay hawlo kuwan la mid ah hore uga soo fuliyeen dalalka Yuguslaafiya Iyo Kamboodiya.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshadaย  Md Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo sheegay inuu goobjoog u ahaa xilligii Xasuuqyada qaarkood ka dhacayeen dalka, Xasuuqyadaasina ay ahaayeen cadaawad iyo naceyb lagu bartilmaameedsanayey cid gaar ah, wakhtiganna loona baahan yahay In laga xisaabtamo dhibaatadaa Baniโ€™aadanimo ee uu gaystay Milaterigii Dawladdii Siyaad Barre.

Culimada waaweyn ee Somaliland oo qaarkood ku sugnaa goobtaniย  ayaa ugu dambayntii u duceeyey maytidaย  ku jirta Xabaalo-wadareedyadan ku yaala magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET