Xidhiidhka dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaabta Soomaaliya waxa laga yaabaa inuu caqabad ku noqdo Isu-socodka maraakiibta Bariga Dhexe, sida lagu sheegay warbixin hor leh oo diiradda lagu saaray halista kooxaha argagixisada ee Caalamka.
Ururka xag-jirka ah ee ugu halista badan qaaradda Afrika, ayaa la filayaa in uu ku sii xoogeysto Soomaaliya, taas oo kor u qaadayssa cabsida laga qabo khatarta dhinaca amniga ee ku iman karta marinka Bariga Dhexe ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga, sida ay ka digtay warbixin cusub oo lagu daabacay warbaahinta stripes.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato isbaheysiga cusub ee ay la yeesheen maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen, waxaanu xidhiidhkani u suurto-galin karaa Al-Shabaab inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama gantaalo ku weeraraan maraakiibta Ganacsiga, sida lagu sheegay qiimeyn ka hadlaysa khatarta argagixisada caalamiga ah oo ay sameysay Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah.
Warbixinta oo la daabacay Jimcihii shalay ayaa Al-Shabaab ku tilmaantay dawlad jirta oo halis ku ah danaha Maraykanka isla markaana ay u badan tahay inay sii korodho sannadkan 2025-ka.
Iyadoo soo xiganaysa hoggaamiye sare oo ka tirsan isbaheysiga la dagaalama Xuutiyiinta ee loo yaqaano National Resistance Front, warbixintu waxay sheegtay in kooxdu ay damacsan tahay sidii ay dagaalyahanada Al-Shabaab u siin lahaayeen hub casri ah si ay awood ugu yeeshaan in ay beegsadaan maraakiibta isaga kala goosha gacanka cadmeed. “Xuutiyiintu waxay Al-shabaab siin karaan, haddaanay horeba u siin jirin, qaybo ka mid ah hubka ay ka hesho dowladaha taageera,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta.
In ka badan muddo sannad ah, maraakiibta dagaalka ee Mareykanka waxa ay dagaal kula jira Xuutiyiinta oo taageero ka hela dowladda Iran, si ay u joojiyaan weerarada ay ku qaadaan maraakiibta ganacsiga. Maleeshiyaadka Xuutiyiin ayaa Bilaabay inay noocyo kala duwan oo hub ah la beegsaday maraakiib ganacsi iyo kuwa militari oo marayay Badda Cas waxyar kaddib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil bishii Oktoobar 2023 xilligaas oo uu bilaabmay dagaalka xilligan ka socda Gaza. Xuutiyiinta oo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta, waxa ay nidar ku mareen in ay beegsanayaan maraakiibta Xidhiidhka la leh Israa’iil ama xulafadeeda, gaar ahaan Maraykanka, in kasta oo qaar badan oo ka mid ah maraakiibta la weeraray aanay wax lug ah ku lahayn lahayn dagaalka. Haddii Al-shabaab soo gasho, waxa ay gaas ku sii shubaysa xiisadda cakiran ee lagu soo xoraynayo marinka muhiimka ah ee Baabul-mandab oo isku xidha Maraakiibta isaga kala gooshaysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Calaamado muujinaya xidhiidhka dhow ee u dhexeeya kooxda Soomaalida iyo Xuutiyiinta ayaa laga yaabaa in bannaanka la keeno Khamiista soo socota oo Taliyaha Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika Gen. Michael Langley uu hortagi doono Guddiga Hubka ee Aqalka Odayaasha Maraykanka ee Senetka.
Hawl-gallada Militari ee Taliska Africom ka-hortago halista Kooxda Al-Shabaab ayaa sannadihii u dambeeyey noqday dedaallada ugu weyn ee ay ciidamada Marakanku ka wadaan qaaradda Afrika.
Kooxda Al-shabaab oo la sheegay in xidhiidh la leedahay Al-Qaacida, ayaa labaatankii sanno ee u dambeeyey ka dagaalamayey Gudaha Somalia si ay u hirgeliyaan dowlad Islaami ah, inkasta oo kooxdu adkeysi u yeelatay Olole ka dhan ah oo ay kala kulantay Gudaha dalka.
AFRICOM waxa ay qaaday weeraro cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaanay ciidamo gaar ah u dirtay Gudaha si ay ula taliyaan, tabobarre-na u siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dadaallada noocan ahi ma keenin isbeddelkii loo baahnaa, sida lagu sheegay warbixinta CSIS.
Sida warbixinta sheegtay Kooxda Al-Shabaab ayaa haysta inta u dhexeysa 7,000 ilaa 12,000 oo dagaalyahan, waxaana ay maamulaan dhul ballaadhan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in ururka uu soo galo dakhli ka badan 100-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taas oo ku soo gasha habab kala duwan oo ay ka mid tahay canshuuraha, iyadoo sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Al-shabaab haysato dhaqaale ku filan inay dhaqaale ku taageeraan kooxaha kale ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa ay warbixinta xustay in ololaha duqeymaha cirka ee Mareykanka oo muddooyinkii dambe la libin-laabay ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, marka la barbardhigo sannadihii hore markii kooxdu ay xoojisay weerarrada ka dhanka ah danaha Mareykanka ee ay kaga jawaabayso weerarrada cirka ee diyaaradaha Mareykanku fuliyaan. Tusaale ahaan, sannadkii 2020-kii, Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ciidan oo ku taalla Kenya, halkaas oo ay ku dishay hal askari oo Maraykan ah iyo laba qandaraasle, xilligaas oo weerarrada aan diyaaraha aan duuliyaha lahayni ay heerkoodii ugu sarreeyay gaadheen.
“Waxa ay u badan tahay inay cadaawaddd labada dhinac kordhi doonto haddii madaxweyne Donald Trump uu dib u bilaabo Olole ballaadhan oo ka dhan ah kooxda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta laguma soo sheegin talo iyo tusaale muuqda oo lagu hagaajin karo xaaladda amniga Soomaaliya ama lagu wiiqi karo Awoodda kooxda Al-Shabaab, waxase lagu sheegay kaliya in loo baahan yahay tallaabooyin kala duwan oo la qaadi karo sida kaalmada militariga iyo kordhinta taageerada diblomaasiyadeed iyo maaliyadeed ee la siiyo dowladda taagta daaran ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, gebo-gabadii waxa warbixinta lagu sheegay in Al-shabaab ay u muuqato koox mustaqbalka la fili karo halis intan ka badan.
Hargeisatoday.com
Hargeysa, Somaliland