Hargeysa (SLpost)- Tifaftiraha guud ee Shabakadda Aftahannews media co-opration Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayaa Guddoomiyaha guud ee Shabakadda u magacaabay inuu noqdo Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), ka dib markii sidaa lagu goโaamiyey shir ay Guddiga Maamulka, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo Hawladeennada kala duwan ee Aftahannews maanta ku yeesheen magaalada Hargesya.
Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Tifaftiraha guud ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayaa lagu faahfaahiyey qaabka loo magacaabay Guddoomiyaha guud ee Aftahan Media iyo goโaanka ka soo baxay shirka ay maanta ku yeesheen Hargeysa, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
โShir ay maanta magaalada Hargeysa ku wada-yeesheen Maamulka, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha, Shaqaalaha kala duwan iyo Guddiga Boodhka ee Shabakadda Aftahannews oo ay kaga wadahadleen arrimo door ah, ayaa lagu goโaamiyey in Shabakaddu yeelato Guddoomiye guud, si loo gaadho hadafka, higsiga iyo himilada loo aasaasay Aftahan.
Sidaa daraaddeed Mulkiilaha Aftahannews, ahna Tifaftiraha guud ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal isaga oo ka duulaya soo jeedinta iyo goโaanka Shaqaalaha iyo Maamulka kale ee Shabakadda waxa uu goโaansaday inuu Siciid Maxamuud Gahayr noqdo Guddoomiyaha Aftahannews iyo dhammaan Aftahan media copration laga bilaabo taariikhda maanta 16/April, 2014.
Waxaan rejaynayaa in Shaqaalaha, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan hawl-wadeennada kala duwan ee Aftahan media ay sida ugu habboon ula shaqayn doonaan Guddoomiyaha Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).
Waxaan u rejaynayaa Guddoomiyaha in Illaahay ku asturo xilka uu qabtay, isla markaana uu u gudan doono sida ugu habboon ee waajibaadka xilku farayo. Waxaan rejayanayaa inuu noqdo Guddoomiye isku wada hawladeennada iyo shaqaalaha kala duwan ee Aftahannews meelkasta oo ay dunida ka joogaan.
SOMALILANDPOST.NET