Telefishan laga leeyahay dalka Israaβiil, ayaa warbixin uu baahiyey 20-kii bishan December 2021 kaga warramay xasiloonida, guulaha iyo horumarka ay gaadhay Somaliland, tan iyo markii ay xornimadeeda la soo noqotay, waxaanu ku qiimeeyey mid kamida dalalka ugu nabdoon guud ahaan qaarada Afrika.
Warbaahinta I24News.tv oo ah maqal-iyo-Muuqaal Baahiye xaruntiisu tahay caasimadda Tel Aviv, ayaa warbixinta ku sheegay inay Somaliland leedahay nidaam dawladdeed oo dhamaystiran, lacag u gaar ah, Ciidan iyo hayβaddo madax-bannaan oo maxalli ah, si joogto ahna ay u qabato Doorashooyin dimuquraadi ah oo dhif iyo naadir ku ah gobolka ay ka tirsan tahay.
“Somaliland waxa ay ka mid tahay gobolada ugu nabdoon qaarada Afrikaβ ayuu ku bilaabay Telefishanku warbixintiisa oo uu ku sheegay inay aqoonsi laβaanta iyo goβdoonka siyaasaddeed ee caalamiga ah u sabab noqdeen inay noqoto dalka ugu saboolsan adduunka.
βSomaliland oo ah dal madaxbanaan oo ku yaala Geeska Afrika, ayaa inta badan beesha caalamku u aqoonsan tahay inay ka tirsan tahay dalka ku yaala bariga Afrika ee Somaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay weli ku taamaysa inay caalamka ku qanciso qadiyadeeda dawladnimo tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanida May 1991β ayuu i24NEWS ku beyaamiyey warbixintiisa oo ku qornayd luuqada Ingiriisiga, soona turjumay Wargeyska Dawan, isagoo ku sifeeyey khalad weyn oo aan la sii eeggan karin inay muddada intaas leβeeg dunidu goβaan ka gaadhi wayday qadiyada aqoonsiga Somaliland.
Warbaahintu waxay intaa raacisay, βSomaliland waxay leedahay dawlad, ciidan, machadyo madax-bannaan, lacag u gaar ah, waana mid ka mid ah meelaha (Dalalka) ugu nabadda badan qaaradda Afrika. waxay weli tahay mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan koonka.
Aqoonsi laβaantu waxay ka sii daraysaa xaaladaha, sababay gelitaanka rarka shisheeye, gargaarka, iyo maalgashigaβ ayaa lagu iftiimiyey warbixinta oo Salaasadii uu baahiyey telefishanka i24news.tv
Farqiqa u dhexeeya doorashooyinka Somaliland iyo Soomaaliya ayey far waaweyn ku qeexday I24, waxaanay sheegeen inuu yahay fowdada ku gedaaman doorashooyinka maamulka Muqdisho iyo daah-furnaanta dimuquraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland βIyada oo ay taasi jirto, Somaliland oo in ka badan 99 boqolkiiba dadka deggan ay Muslimiin yihiin β waxay qabataa doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah, kana foggaata fowdada ku habsata ee ka jirta jaarkeeda Soomaaliyaβ
Warbaahintu waxay sheegtay in Shacbiga Somaliland weli quluubtooda aanay ka tirtirmin dhibaatooyinkii ay u geysteen Ciidamadii ka amar qaadanayey maamulkii Siyaad Barre, wakhtigii uu socday halgankii dib u xoraynta dalku βCaasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn Geeska Afrika marka laga reebo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadka deegaanku ay weli xusuustaan dhibaatooyinkii ay kala kulmeen ββhalgankii ay kula jireen maamulkii Soomaaliya xilligii uu socday dhaqdhaqaaqii ay madaxbanaanideeda kula soo noqotayβ
βWaxa jiray dulmi badan oo ka imaanayay Soomaaliyaβ¦ Somaliland waxay rabtay inay ka baxdo midowga,β ayay Salma Axmed Sheekh u sheegtay i24NEWS.
βWuxuu ahaa halgan wayn oo ay ku dhinteen kumannaan qof, markii ay Somaliland u suurtagashay in ay dib u soo ceshato madaxbanaanideeda. Waxaan u baahannahay horumarinta waddooyinka kaabayaasha dhaqaalaha, buundooyinka, caafimaadka, waxbarashada, iyo shaqo abuurka dhalinyarada,β ayey mar kale u sheegtay Salma Sheekh I24NEWS.