[H]argeysa (SLpost)- Koox dabley ah oo hubaysan ayaa saaka subaxdii dhaawac fudud u geysatay Guddoomiyihii Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Durraan ka dib markii xabbad lagala eegtay madaxa.
Dableydu waxa ay Guddoomiyaha u geysatay dhaawac wakhti uu ku sii Jeeday Masaajidka saaka Salaaddii Subax, waxaana ay xabbaddu kaga dhacday Dhabanka iyada oo ka baxday dhegta hoosteeda, haatana waxa lagu dawaynayaa Cusbitaalka Gargaarย ee magaalada Hargeysa.
Dhaawaca Guddoomiyaha ayaa haatan loo qal-qaalinayaa in lagu soo daaweeyo dalka Jabuuti.
Lama garanayo ujeeddada dableydu u weerartay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Wixii warar ah ee ka soo kordha, kala soco SomalilandPost
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net