Wafti Somaliland ka Socda oo Safar Shaqo ugu Baxay Kenya

0

 

Hargeysa (SLpost) โ€“ Wefti ka socda Wasaaradaha Beeraha iyo Kalluumaysiga Somaliland, ayaa Maanta Safar shaqo ugu Ambo-baxay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

 

Wefti ka kooban Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax (Buureed), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax., iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Sheekh Aadan, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya. Waftiga ayaa ย Nairobi ku tagay casuumad ay ka heleen Hayโ€™adda cuntada iyo beeraha Adduunka ee FAO, iyaga oo muddada ay halkaa joogaan shirar la yeelan doona hayโ€™ado kale.

Weftiga 3 Weftiga 1

Wasiirrada beeraha iyo Kalluumaysiga Somaliland oo intii aanay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ka dhoofin la hadlay Saxaafadda ayaa faahfaahiyey ujeeddada socdaalkooda.

 

Wasiirka Beeraha JSL Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi, โ€œWaxaanu Maanta Safar Shaqo ugu baxaynaa Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, weftiga aan ka mid ahay oo ka koobaan Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Maxamed Sheekh Aadan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faaraxโ€

 

 

Dr. Maxamed Aw Daahir oo sii hadlaya ayaa sheegay, โ€œSafarkayagana ujeeddadiisu waxay tahay casuumad aanu ka helnay hayโ€™adda FAO fadhigeeda Nayroobi iyo hayโ€™adaha kale ee ka shaqeeya wax soo saarka iyo cuntada, si aanu ugala hadalno kobcinta wax soo saarka dalka. Haddii Alle yidhaahdo waxaanu ku maqnaan doonaa Shan maalmood, iyada oo aanu jecel nahay inaanu la kulano hayโ€™ado badan oo ka shaqeeya wax soo saarka ama dalkeena ha degganaadaan oo fadhigooda halkan ha ahaado ama halkaasiba ha degganaadaane oo aanu kala hadli doono arrimo badan oo wax soo saarka iyo Kalluumaysiga ah.โ€ Ayuu yidhi

 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ย iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Buureed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, โ€œWaxaanu maanta u baxaynaa safar shaqo oo qaadan doona muddo shan cisho ah oo aanu Nayroobi ku tagayno, isla markaana hayโ€™adda FAO noo fududaysay tegida iyo shirarka u horeeya oo aanu iyaga la gali doono ka dibna aanu la gali doono shirar hayโ€™ado badan iyo ururro badan oo Caalami ah oo ay ka mid yihiin African Union-ku, EU-da iyo hayโ€™addo kale oo xidhiidh la leh Wasaaradahan aanu masuulka ka nahayโ€

 

Wasiir Buureed waxa kale oo uu sheegay, โ€œWaxaanu jecel nahay in maadaama oo dalkeenu inuu cagihiisa isku taago dhinaca cuno isku filaanshaha loo baahan yahay aanu hayโ€™ado badan oo arrintaasi naga kaalmayn jiray shirar la sooย yeelano shirarkaasi oo hore loo qaban jiray, markaa waxaanu safarkaasi ka rajeynaynaa in aanu ka soo faaโ€™iidno wax qaranka wax u taraya Insha Allaah, haddana waad la socotaan oo mashaariic Kalluunka iyo Beeraha ku sabsan ayey hayโ€™adahaasi nala wadaan, waxaananu rajeynaa inaanu soo helno kuwo kale oo dalka iyo dadkaba wax u tara Insha Allahโ€ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Wasiirka Kalluumaysiga Somalil