Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani Bashiir Cabdi Xariir, ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay Shirkadaha Shidaalka, waxa kale oo uu ka hadlay goโaan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Goโaankaasi oo lagu xadidayo Hirarka Isgaadhsiinta
Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani Bashiir Cabdi Xariir oo ugu horeyn ka hadlay goโaanka ay soo saartay Wasaaradda Boosuhu ayaa yidhi โMaanta wer-wer badan baa ku furan Ganacsatada, kuwa isgaadhsiinta qoraalo ayaa ku soo baxay iyo goโaamo ka soo baxay Wasaaradda Boosta oo Madaxtooyaduna og tahay oo lagu mamnuucay inay la soo dagi karaan wax qalab ah oo xitaa Hayโadihii ay gacanta ku hayn ay dib u habayn ku samayn karaan, birta jabta tii lagu beddeli lahaa ama lagu balaadhin lahaa maanta way ka xaniban tahay oo way ka xidhan tahay, waa qaraar sharci-daro ah oo khalad ahโ.
Mar uu ka hadlayey Shirkadaha Shidaalka ayaa yidhi โKuwii Shidaalka keenayay waxay wer-wer ka qabaan Shirkado waaweyn oo dibedda kaga yimaadda, way ku filan yihiin inay dalkeena shidaal keenaan, iyaga ayaa iibinaayey, iyaga ayaa gaadhsiinayey, haddii dalalka jaarka ah la doonayo in la gaadhsiiyo Xukuumadda xilka saarnaa waxaa laga doonayaa inay heshiisyo la soo gasho dalalka jaarka, oo ay hor mariso Shirkadaha ay iyadu leedahay ee Waddaniga ah, Maanta waxay ka wer-wer qabaan in qaar dibedda kaga yimid oo ka xoog rooni inay suuqa ka saaran oo ay kala wareegaan, Haamihii hore ayaa looga wareejiyey, Dawladda waxaa looga baahan yahay inay ilaaliso madax-bannaanida Ganacsiga, Xukuumadda waxaa laga doonayaa haddii ay doonayso inay talaabo ka qaado Ganacstada inay soo saarto Xeerkii kala xadaynayey Ganacsiga oo iyaga iyo Ganacstada yar yar Xeerkii u dhexeeyey la sameeyoโ.
Dhanka kale, wuxuu soo jeediyey in la sameeyo qorshe lagaga maarmayo caafimaad dibadeed iyo qorshe shaqo abuur loogu samaynayo dhalinyarada jaamacadaha ka baxa, wuxuu kale oo uu ka digay in dalku dhaxal wareego, isla-markaana wax laga qabto dadka aan dalka u dhalan ee ku soo qulqulaya.