(Marka runta laga hadlayo, culayska arimaha laga wada hadlayo iyo Wasiirada Somaliland iyo Soomaaliyaย u sooย dirteen wadahadalka aad iyo aad ayey u kala miisaanย weyn yihiin .)
Weli waxaa inoo socda qaybihii kala duwanaa ee aynu kaga hadlaynay ย wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliyaย la filayo in uu dhex maro mustaqbalka ,qaybtana waxaan idiinku soo gudbinayaa sida ay iila muuqdaan ย saddex qodob oo kala ahย dhexdhexaadinta(goobjoogayaasha),goobta lagu wada hadlayo iyo luqada lagu wada hadlayo.
Cida dhexdhexaadinaysa Somaliland iyo Soomaaliya:-
Inkasta oo aanay weli cadayn,wadamada goob jooga ka noqonaya wadada hadalada dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya ,haddana waxaa la hadal hayaaย wadamadaย ay mid yihiin ย Uk,Itoobiya ,Kenya,Jabuuti,Uganda ย iyo wakiilkaย UN,ee Soomaaliya ย iyo ururo kale.
waxaa ogataan in wadal kasta oo Soomaaliyeed , oo ay ka soo qayb galaan wadamada Itoobiya, Kenya ,Uganda iyo Jabuutiย in aanu noqon doonin wada hadalo ย guulaysta waxaana u sabab ah:-
- Wadamada aan kor ku soo sheegay iayagaa ka masuul Siyaasiyan dhibta guud ahaan Soomaalida Soo gaadhay,daacadna kama aha in guud ahaan geyiga Soomaaliyeedย nabad noqdo.
- Waxaa is diidan danaha ay wadamadaasi leeyihiin iyo danaha Soomaalidu leedahay,runtii waa laba aad u kal fog.
- Haddii Dowladaha dhexdhexaadinayaa aanay daacad ka ahayn ,arinta ay dhexdhexaadinayaa,markaa way adag tahay in heshiis laga gaadho arimihii laga wada hadlayey,qodobada wada hadalka ka soo baxaana waxay noqonayaanย qodobo aan cidina ku farxiย doonin,siina kala fogeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Goobta ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo soomaaliya:-
ย Waxaan maqlay inย goobta lagu wada hadlayaa ay tahayย ย Uk-London,runtii ceeb ma aha in wadan kale lagu wada hadlo,balse waxaa fiican in aad loo tixgeliyoย dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:-
- Dhaqaqankaย wadanka lagu wada hadlayo,oo runtiiย aynu aad u kala fog nahay,kala fogaanshaha dhaqankuna wuxuu keeni karaa carqalado ku yimaada wada hadalka.
- Uk-waxaa ku nool Soomaali aad u fara badan,gaar ahaan Siyaasiyiin aad u kala aragti duwan,kuwaasina waxayย fara gelin joogto ah ku samayn karaan wada hadalada.
- Waa goob aad uga fog Soomaaliya iyo Somaliland,markaa markasta oo loo baahdo in wada tashi laysugu noqdo waxay noqonaysaa in dib loogu dhoofo Soomaaliya iyo Somaliland,taasi waxay keenaysaa qarash fara badan oo aan loo baahneyn.(In kasta oo isgaadhsiin casri ah jirto haddana waaxaa loo baahanayaa in mar mar dib laysu noqdo).
Dhaqaalaha ku baxaya waadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya:-
Runtii ma garanayo cida bixinaysaย dhaqaalaha ku baxaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,balse waxaan filayaa in ay bixinayaa Bulshadaย caalamku amase Dowladihii fikirka iska lahaa. Waxaa cadahay in dhaqaalaha ku baxaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay mid aad uย badan, โogaadanaย dunida xilligan ma jiraan wax bilaash laysu siiyaa ,haddii dhaqaalahaย wada hadalka la bixiyo, Soomaalidana waxaa la doonaayaa bedelkiiย dhaqaalihii laga bixiyey.
Luqada ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Soomaaliya:-
ย Luqada lagu wada hadlayaa aad iyo aad ayey muhiim u tahay,sababaha ay muhiim u tahay waxaa ka mid ah:-
- Waa in ay si fiican isu wada fahmaan dhamaan ka qayb galayaasha wada hadala,gaar ahaanย kooxaha wada hadlay.
- Waxaa qabaa in Afka hooyo uu yahay kan keliya ee dareekooda ay ku cabiri karaan dhamaan kooxaha Soomaaliyeed ee wada hadlayaa.
- Waxaa aad u fiican in lagu wada hadlo Afka hooyo,si loo adeegsado maahmaaha,halkudhegyada,gabayada iyo guud ahaan suuganta Afka Soomaaliga.
- Haddii luqad kale lagu wada hadlo waxaa yaraanaya is fahanka Soomaalida ,waxaa yaraanaya adeegsiga suugaanta ย Afsoomaaliga,waxaana dhici doonta in la saxeexo wax qaldan,muran iyo sidaa umaan fahmin waa la maqli doonaa.
Hadal iyo dhamaan weli waxaad moodaa in ay kala fog yihiinย Soomaaliya iyo Somaliland ,waxaad moodaa in aan weli la helin isu soo dhowaanshoย iyo saaxad caafimad qabta oo lagu wada hadlo midna.
———–La soco qaybta dambeย iyo farqiga u dhexeeya/kala fogaanshahaย Dastuurada Somaliland iyo Soomaliya —–
ALLAAย ย MAHADย LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Political Analyst