(Gooni isu taaga Somaliland waa muqadisย iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadis,waa labadaย qodob ee ay isula imanayaan laba wafti ee Somaliland iyo Soomaaliya.)
Tanaasulka (Compromise):-
Isu tanaaulka waxaa loola jeedaa isfahan dhex mara labada garab ee wada hadlaya,waxaa loola jeedaa in go,aan laga gaadhoย qodobada lagu kal duwan yahay,waxaa loola jeedaa in ayย isu sooย debcaan labadii garab,dhinac isaga riixaan wixii ay ku kala duwan yihiin.
Qaybtan aynu kaga hadlayno โisu tanaasulka โ,waa qaybta ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waa qodobada keeni kara in la heshiiyo iyo inย lagu kala kaco wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,ย waa meelaha loo baahan yahay in aad iyo aad looga taxadiro,waaย meelaha u baahan in ayย rogrogaanย shaqsiyaadย aqoon iyo waayo aragnimo fiican u leh Siyaasada Soomaaliya iyo tanย Geeska Africa,waa qoodobada aad guul waartaย kula soo noqon karto shacabkiiย ku dirtay amase guul daro aanad ka soo waaqsan.
Qodobkan tanasulku waa furaha is afgarashadaย labadii dhinac ee wada hadlayey, haddii uu tanaasul yimaadanaย qodobka ku xigaa waa in aynu heshiisย rasmi ah kala saxeexano,halkaasna waxaa ku dhamaanaya dhamaan wixii la kala tirsanayey,la kala tabanayey,kala haystay iyo dhamaanba xurgufihii jiray.
Qodabada tanaasulkoodu aad u adag yihiin waxaa ka mid ah:-
- โGooni isu taaga Somaliland waa muqadisย iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadisโโlabadan keebaa laga tanaasulayaa, ma Somaliland baa tanaasulaysa mise Soomaaliya ?
- Wixii dhib soo kala maray Somaliland iyo soomaaliyaย 1960 ilaa 1991 sidee looga wada hadlayaa,yaa ka bixinaya garowsho ma shicibka miseย Dowladaha hadda jira ?
- Federaalka maxaa loola jeedaaย ma Somaliland iyo Soomaaliya ayaa federal nooqonaya mise Koofurta Gaalkacayo iyo Woqooyiga Gaalkacayo ?,Jowhar iyo Marka,Bedelweyn iyo Dhuusa-ma reeb iwm
- Ma Somalilandย iyo Soomaaliya ayaa wax loo qayb sanayaa mise 4.5ย amase 5 ?
- Astaamaha Qarannimoย sidaย โ Dowladnimada โ Shuruucda- Jinsiyadaย ย โ iyo dhamaan astaamaha ay leeyihiin laamaha Dowladu, suaashu waxay tahay ma waxa la qaadanayaa Astaanta Somaaliyaย mise Astaanta Somalilandย ?
- Gobolada dalka ,misa gobol ayuu dalku noqonayaa ,xageeย ย Caasimad u noqonaysa,shuruucda Caasimada,markaa Somaliland ma 6 gobol bay noqonaysaa miseย 2 Gobol iwm ?
- Hayadaha sharciga sidaย Baarlamaanka iyo Maxkamadahaย sidee loo qaybsanayaa ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si ka duwan ?
- Awoodaย Dowlada โMadaxweynaha โKu xigeenkaโGudoomiyaha Baarlamaanka โMaxkamadaha— Ciidamadaโ Wasaaradaha muhiimka ah side loo kala qaadanayaaย ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si kale oo ka duwan ?
- Mashaariicda horumarinta side loo qaybsanayaa ?
Intaas oo qodob iyo runtii qaar kale oo badani waxay u baahan yihiinย shaqsiyaad aqoon dheer u leh sidii loo rogrogi lahaa,waxaa aad iyo aad u adag sida tanaasul looga samayn karo , waanaย qodobadaย ย ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Hadal iyo dhamaan dad badanย ayaa qaba in ayย fudud yihiin wada hadalada dhexmari doona Somaliland iyo Soomaaliya,dad badan ayaa qaba in ay si fudud ku dhamaan doonaan,dad badan ayaa aaminsan in aanayย muhiimba ahayn qodobadan aan ka hadlayaa,qaar waxayย rumaysan yihiin haddii Soomaaliya hagaagto in Somaliland si dhaqso ah ugu soo biiri doonto Soomaalida kale โILLAHAY ayuun baa og sida arimuhu ku dhamaan doonaan.
—–La soco qaybta ugu dambaysa ee Somaliland iyo Soomaaliya maxay ku kala duwan yihiin—
ALLAAย ย MAHADย LEH
———–la soco qayb ta dambe ย —–
Abdi M. Saleiman (Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
Political Analyst