Maansadani waxay soo baxday Guโgii 09-Jan-2012 oo uu tiriyey Hal-abuurka daโda yar ee Cabdirisaaq Maxamed Cabdilaahi (Abwaan Oday) waxay maansadani hogatusalaynaysaa, Bulshada waxaanay Daaha ka faydaysaa in siyaasigu yahay qof danayste ah oo jecel inuu ku guuro Bulshada inta maangaabka ah ee aan lahayn Aqoon iyo han durugsan toona, sidoo kale waxay ka hadlaysaa isku duubnida iyo wax wada qabsiga Bulshadeena iyo inay ka feejignaadan cid kasta oo dibin daabyo kula kacada amaba ula timaada Qarankeena.
- Sool iyo sanaagiyo
- Saaxil iyo nugaal iyo
- Surad buuraheediyo
- Sodii booramaadeey
- Dib u socod ma fiicnee
- Sareediyo barwaaqiyo
- Samo iyo wanaag iyo
- Xidigaha siraatiyo
- Cirka sare aad gaadhide
- Yuu siyaasi waalane
- Hadaba salaw colaadeed
- Kuu sudhin horaadkee
- Haku seexan waligaa
- Meelaan la saxar tirin
- Saligaagu yuu noqon
- Sayme dhiigle iyo hoog
- Umadood sadqaysiyo
- Salaw iyo dagaaliyo
- Saqda dhexe caruurtood
- Saska aad ku beertiyo
- Salbabakha khiyaamada
- Safsaf lugaha haw goyn
- Yeey noqon sursuuriyo
- Meel aad ku silicdoo
- Sodan saniyo dheeraad
- Iyo sabanka aakhiro
- Qoomamayso saaxiib
- Seetee hungurigoo
- Sabarkiyo dhexdaadana
- Xaaraan aad ku siibtiyo
- Yeey marin sunuud xumi
- Runta lama sariigee
- Yaan Been la soo xaday
- Si yar ruuxana kuu galin
- Bal ogow saleeliga
- Sabi iyo caruuriyo
- Mid saqiira mooyee
- Ruuxii sameeyaa
- Sahal inuu ka jabi karo
- Bal ogow sawaxanada
- Sumbo iyo maraadiyo
- Suko iyo qof liitiyo
- Mid siloona mooyee
- Ruuxii ku soogmaa
- Inuu saawir yahayoo
- Caqli uba siyaadayn
- Waxan saawasaawee
- Waa qaali sabankuye
- Seken yaanu kaa lumin
- Nin siyaasad liigtoo
- Subag iyo gadhoodhiyo
- Sita hilib la solayoo
- Ubadkiisa soo dhigay
- Yurub seeraheediyo
- Suuqyada ameerkika
- Yuu saw habkaagiyo
- Soortaad cunaysiyo
- Saadkiyo gaadhkiyo
- Sixinkaaga kaa qubin
- Safarad iyo xanuun iyo
- Kugu beerin sooyaan
- Suudigu kulayal iyo
- Waa olol ku saaqee
- Ha u qaadan sagal roob
- Dadaka saanad milatari
- Inaad siiso maahee
- Maxaa siidh la beertiyo
- Sadarada tacliintiyo
- Inta lagu sanaadiyo wax
- Soo saar u diideen
- Maxaa wiil sindheeriyo
- Hablo wada siyaakhoo
- Saydhinyaa laafyaha
- Sulug wada xajiiniyo
- Saymaha dagaalkiyo
- Saran seer uglisaan
- Guryo samo adoo yaal
- Seerma wayda curatiyo
- Meelsaacle joogoo
- Sumalkiyo baraarkiyo
- Sangihii u foofoofeen
- Saranseer abaareed
- Iyo sulufka caydheed
- Marana looma saaree
- Sabadaad ku nooshay
- Dadku soobir caydhiyo
- Sabool qaawan yuu noqon
- Arinkii ku seegiyo
- Adiguna sirtaa bogo
- Hawna noqon siyaasiga
- Wax salaanka lagu koro
- Xadhiga aad suryaysoo
- Surka adiga kuu gala
- Haysku soohin waligaa
- Aar sooma jeesteโ ah
- Saraha dhexdoodiyo
- Sinta iyo halbawlaha
- Haku dhaagin siloonyahow
- Colaad gayiga saaqdiyo
- Uur xumo siyaadiyo
- Utun sii lignaatiyo
- Saxriir la eediyo
- Inta lag sulaaqmiyo
- Qabiil lagu sureeriyo
- Sagam-daaq xajiimo le
- Haw suul dhabaalayn
- Fidmo seexatoo nagi
- Gaas iyo saliid iyo
- Haku darin saabaal
- Eray sami wuxuu jaro
- Soof iyo bilaawiyo
- Soodh laguma gooyee
- Umad sabo ku wad nool
- Oo seedi iyo xidid iyo
- Soof wadaago ah
- Suladkiyo ardaayada
- Olol iyo dab haw sudhin
- Nabadaa samaaniyo
- Surer iyo wanaaglee
- Hadaan seeska loo dhigin
- Salaad faral la oogiyo
- Tacliin lagu sumsumaiyo
- Suuq miayaa la aadaa
- Sarif iyo dhaqqliyo
- Saro maala jeexaa
- Sariir aad ku gamadiyo
- Moobilada siraatiyo
- Silis maala qaataa
- Dhakhaatiirta sare iyo
- Saynis yahan ma kulantaan
- Hadal wada laxaniyo
- Weedh wada arbeebiyo
- Eraygaygu haku solo
- Anaguna safaadiyo
- Manaqaano salawgee
- Sitiinkii hortiibaa
- Soohdimaha dalkaygani
- Saancadaale gaaliyo
- Soomaaliyoo idil
- Saaxiib yaqaanee
- Soomaalilantuna
- Sidaad adigu moodiyo
- Wax sokeeya maahoo
- Garaadada wax saafiyo
- Boqoriyo salaadiin
- Cuqaal sama jeceliyo
- Culimiyo saraakiil
- Sabi iyo dad waawayn
- Ayaa wada saxeexoo
- Soomalilaand yidhi
- Saac iyo ugbaadiyo
- Meel sadadu taalaa
- Salka loogu joojoo
- Sagaashan iyo kawdii
- Beeluhu sinaaniyo
- Saami qaybsi wacanabay
- Sal fudayd ma fiicnee
- Sadex magac ku dhaarteen
- Sanad kalana waatii
- Si wayn loo codeeyoo
- Sagaashan iyo todobaa
- Sawdkooda siiyoo
- Soomaaliland mid weeyoo
- Inay kala socdaashan
- Wax sayn saaban weeeyoo
- Sacab timaha yeeshiyo
- Saabuun xoorin waydiyo
- Dameer sina madaw iyo
- Wax suurooba maahee
- Horta taa iskaga samir
- Wax hadaad saluugtana
- Ceeb iyo sawaxan iyo
- Soomal haad colaadeed
- Beesha looma saaree
- Aynu saafno eelkee
- Sali nabada oo wacan
- Salaka kaalay oo dhiga
- Hadii saar dagaaliyo
- Suuldaaro nacab iyo
- Kugu jiro sangaaluhu
- Dhaaxaan ku saaanyee
- Waan kaa saari doonaa
- Jiib sululux leeyiyo
- Kaaraha silsiladale
- Suug iyo baron iyo
- Yaan sabanku kula tagin