Ururka SOLJA oo si adag u cambaareeyey Xadhigga lagula Kacay Tifaftiraha Wargeyska Waaheen

0

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u cambaareeyey Tifaftiraha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo shalay Ciidamada Ammaanku xabsiga u taxaabeen, iyada oo lagu eedaynayo war uu Wargeyskaasi ka qoray tacaddiyo xukuumadda ka dhan oo la soo bandhigay.

Xoghayaha SoljaWar-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo lagu cambaareynayo xadhigga Tifaftiraha Waaheen, ayaa u qornaa Sidan:

β€œUrurka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warkaΒ Β maantaΒ Β salaadii casar loogu xidhay tafatiraha wargayska waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) xarunta c.i.dΒ Β ee magaalada hargeisa ,

Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraaid oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayayΒ Β maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka Xaraf ee magaalada HargeisaΒ Β sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee solja goobjoogayaal xadhiga tafatiraha in taliyaha c.i,d u markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono ,

Inkastoo taliyaha c.i.d-du beeniyay inuu tafatirahaΒ Β uu xidhay mar uu caawa ururka solja khadka tilifoonka kula xidhiidhay balse wuxuuΒ Β yidhi taliyuhu β€œwaan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtidaΒ Β ayaan ku idhi igu soo noqo

Si kastaba ha ahaatee ururka Solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado maxaad u baahisayΒ Β dhinaca kale ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheenΒ Β ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu

Ugu danbayntiiΒ Β maxkamadaha Somaliland iyo garsoorkaba waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland.”