
Hargeysa, (SLpost)- Ururka wadaniga ah ee Horseed aya dhambaal Hambalyo & Bogaadin ah uu Diraya ciyaartoyga, taageerayaasha iyo shacbi-weynaha gobolka HARGEYSA Meel kasta oo ay joogan-ba Iyaga oo ugu hambalyey-naya guusha ballaadhan Ee ay Ciyaartoyga gobolka Hargeysa ay gaadheen ee ay ku hantiyeen Koobka kobada cagta , Koobka kobada kollayga iyo orodka oo Ay ka galeen Kaalinta kowaad.
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha ururka waddaniga ee Horseed Calaawi Cabdi Gaboobe.
Ururka wadaniga ee Horseed wuxu tilmaamay inay guushani ku timid Dedaalka iyo kartida ciyaartoyga Halyeyda ah ee gobolka HARGEYSA Oo si sharaf iyo karaamo leh oo heer sare ah uu matalayey gobolkooda HARGEYSA .
Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:
“Waxaanu Hambalyo & Bogaadin aad uu qaaliya uu dirayna ciyaartoyga Xulka gobolka HARGEYSA ee ku guuleystay tartanka ciyaaraha gobollada Dalka Jamhuuriyada Somaliland ee kobada cagta , kobada kollayga iyo Orodka-ba ee ku qabsoomay magaalo madaxda labaad ee Dalka Jamhuuriyada Somaliland ee Burco .
Waxaanu odhan karna ciyaartoygaasi Halyeyada ahi ee gobolka HARGEYSA Waxay si wanaag-san oo Xarrago leh uga soo baxeen waajibaadkii iyo xilkii Saaranaa iyaga oo soo Bandhigay ciyaar heer sare ah oo soo jiidatay indhaha Dadka Xiseeya ciyaaraha , waxaanay mujiyeen dulqaad & adkeysi faro badan Waxa kale oo ay tartanka ciyaaraha gobollada dalka Jamhuuriyada Somaliland ay markhaati cad uu tahay xasilloniada , nabad-geliyada iyo Hour-marka ay gaadheen shacbiga Jamhuuriyada Somaliland , inkasta oo Ay Bullshada caalamku ay weli ay indhaha ka qarsanayaan guulaha kala Duwan ee ka jira dalkeena Hooyo ee Jamhuuriyada Somaliland .
Waxa xusid mudan oo Mahad-naq gaar iska leh shirkada Dahabshiil Group oo bixisay jaa’iisad (gaadhi Crown ) ah oo siisay ciyaartoyga Halyeyga weyn ah Mr. govinda ee goolkii kowaad dhaliyay ciyaartii Furitaanka ahayd , iyada oo run ahaantii ay shirkada Dahabshiil ay kaalin Fiican ka geysato horumarka dalka.
Gebogebadii , ururka wadaniga ah ee Horseed waxa uu mar labaad Hambalyo & Salaam Aad uu diirran uu-u diraya ciyaartoyga , Taageerayaasha iyo dhamaan shacbi-weynaha gobollka HARGEYSA Meel kasta oo ay joogaan-ba.”
Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net