Hargeysa (SLpost)- Waxa magaalada Hargeysa maanta lagaga dhawaaqay urur-siyaasadeedkii u horreeyey ee si rasmi ah loo shaaciyo, kaas oo loogu wan-qalay magaca Somaliland Peopleβs Party (SPP) ama Xisbiyada Dadka Somaliland.
Munaasibadda daah-furka urur-siyaasadeedkan oo ku qabsoontay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay hoggaanka sare ee ururka oo isugu jira Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii isaga kala dambeeyey Somaliland.
Ururkan siyaasadeedkan waxa majaraha u haya Dr Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xagla-toosiye) oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii xisbiga Kulmiye, kaas oo madasha kaga dhawaaqay daah-furka ururka siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee SPP.
Munaasibada Urur siyaasadeedkan cusub lagu shaacinayay ayaa waxa lagu marti-qaaday Kumanaan Qof oo isugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahano, culimaaβu diin, ganacsato, Madax-dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf dhammaantood doonayay inay garab iyo gaashaan u noqdaan urur siyaasadeedka shacabka Somaliland ee uu GUdoominayo Dr Salleban Ciise Axmed Kaar Xaglatoosiye.
Ugu horeyn, waxa munaasibada Daahfuray Badhasaabkii hore ee gobollada Gabiley iyo Sool ahna suxufi soo hoggaamiyey ururka SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxaanu ka warramay sababta loo aasasay urur siyaasadeedka cusub ee SPP.
Waxaa Iyana hadalo mahadnaq dhiiri gelin soo dhoweyn iyo bogaadin isugu jira madasha ka jeediyey siyaasiyiin kala duwan oo caan ka ah Somaliland, salaadiin, culimaaβu diin, xildhibaano, aqoonyahano, iyo marti sharaf kala duwan, iyagoo si qiiro iyo dareen leh u taageeray ururka cusub. waxaana hadaladoodii ka mid ahaa.
Ugu danbayn waxaa munaasibada soo afmeerey Gudoomiyaha urur siyaasadeedka cusub ee Somaliland Peopleβ Part Dr Salleban Ciise Axmed Kaar Xaglatoosiye, waxaana uu guddoomiyaha ka waramay ujeedada aasaaska ururka SPP, waxaana uu farriin u diray Somaliland uu kaga codsanayo inay isbeddelka ku taaageeran.