Hargeysa, 10 February, 2012 (SLpost)- Urur-siyaasadeedka Gurmad ayaa xalay xaflad aad u ballaadhan oo ka qabsoontay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed, isla markaana ku qaabilay taageerayaal cusub oo ururka ku soo biiray
Xafladaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay kana soo qayb galeen dad aad utiro badan oo is kugu jiray masuuliyiinta ururka Gurmad ardayda jaamacadaha Admas iyo Hargeysa , ayaa dhankale waxaa lagu soo dhaweeyey garab uu hogaaminaayo guddoomiyihii gobolka Togdheer ee ururka dalsan Keyse Maxamed Faarax oo isagu sheegay in hadda wixii ka dambeeya isaga iyo masuuliyiin hore ug a tirsanaa ururka Dalsan ay si rasmi ah ugu biireen ururka Gurmad .
Waxaa ugu horayn xaflaad ka hadlay xog-haya ururka Gurmad mudane Axmed Daruur Cige isag oo ugu horayn u mahad celiyey dadkii kala soo qayb galay madasha iyo garabkan ku soo biiray waxuuna in taa kudary intaas in ay tahay markii seddexaad ee ururka le ku soo biiro ururka Gurmad, waxayna ku tusaysaa buu yidhi siyaasad wanaaga Gurmad .
Waxaa kale oo hadalka jeediyey guddoomiyihii hore gobolka Togdheer ee ururka Dalsan mudane Keyse Maxamed Farax isaga hoosta ka xariiqay in keyse ahaan uu hore iskaga casilay jagadii uu u hayay ururka Dalsan oo uu sheegay in uu u shaqeeyo sidii urur NgO ah , isga oo arrintaa kahadlaayo waxuu yidhiβ markii aan arkay in aan nay jirin wax kaso conay ayaan g,aan saday in aan ku soo biiro ururkan gurmad oo siyaasadiitu tahay mid cad oo soo jiidasho leh caawa laga bilaabana waxaan kamid hay Gurmad.β
Intaas kadib waxaa isna kalmad ka yidhi madasha Siciid Maxamuud Cuge oo ku hadlaayay magaca aradyda jaamacadda Hargeysa siciid wuxuu sheegay in caawa halkan ay u yimaadeen sidii taageero buuxada u siin lahaayeen ururka Gurmad oo u sheegay in uu yahay kaliya ee uu hogaaminaayo dad dhallinyaro ah oo aqaani haygayso ku caanbaxay hufnaan iyo karti wanaag waxaana ka codsanayaa buuyidhi Siciid inay dhallinyaradu codkooda siiyaan ciddii u dan ah waxuuna ka codasay musuuliyiinta ururka Gurmad in aanay dhallinyaradu noqon kuwii ololaha laga bixi lahaa oo keliya ee laga dhabeeyo wixii loo ballanqaado .
Ardayda jaamacadaha ka socatay oo aad uga dhex-muuqay xaflada ayaa waxaa iyana lagu soo dhaweeyey madasha Xanaan Maxamed Axmed oo ka socotay jamacadda Admas University. Xanaan waxay u madcelisay ururka Gurmad oo ay sheegtay in haddii uu guulaysto dalka u horseedidoono barwaaqo iyo horumar ballaadhan waxay intaas ku dartay Xanaan in arday haan iyo dhallinyaro ahaanba taageero buuxda u hayaan ururkan Gurmad .
Waxaa hadlaka lawareegay ina guddoomiye ku- xegeenka labaad ee ururka Gurmad Xasan Muxumad Taamil wuxuuna kajeediy hadalkooban hadalkiis waxaa kamid ahaa βanagu waxaanu nahay ururka keliya ee illaa hadda ay saddex urur ku soo biireen dadka waxaanu leenahay oo aan u sheegaynaa in aanu hayno siyaasad cad ee aanaan hay ballaan qaad beena markaa nagu taageera siyaasad wanaag waan mahsantihiin βayuu ydhi guddoomiye ku-xegaanka ururka Gurmad .
Ugu dambaytii xafladaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxaa hadal dheer oo dhinayo badan leh ku soo xidhay guddoomiyaha ururka Gurmad mudane Nuur Faarax Xirsi isaga oo sheegay in caawa ay u tahay a habeen farxadeed maadama ay tahay xafladii ugu ballaadhnay ee ururku qabsado iyo in weliba ku soo biireen dad aad utiro badan oo kasocada ururka Gurmad , waxakale oo uu faah-faahin ka bixiyey siyaasadda ururka Gurmad waxaana hadalkiisa ka mid ahaa βGUrmad waxuu u taagan yahay in uu u gurmadodadka dalka gaar ahaan dhaalinyarada oo ah ku ugu mudan ee u baahan in si dag dag ah loogu gurmado.β ayuu yidhi Nuur Faarax.
Mar uu guddoomiyuhu ka hadlaayay xaaladda dalka Somliland ee hadda ku suganyahay waxa uu yidhi βdalka waad og tihiinoo waxa uu madaxa lagay xaalad adag oo u baahan in la dareemo waxaan ka codsanayaa dawladda , cuqaash ,wax garadka ,iyo cidwal oo awood u leh daminta colaadaas inay si deg-dega ah wax looga qabto aragti ahaanna waxaan u arkaa xal in lawad hadlo lan wad fadhiisto waayo dagaal waxba laguma xaliyo arrintanuna uma baahna eegsasho ee waa in si dhakhso ah wax looga qabtaa.β
Guddoomihu mar uu ka haddlaayay aragtidiisa ku waajahan shirka lagu qabanaayo dalka Britain waxa uu yidhi β xukuumadda siilaanyo waxaan ku amaanayaa siyaasadda cusub ee ay latimad ee ah in laga qayba galo wixii shirar ah ee ay dani inuu gujirto taas oo dalka u soo hoynkarto waxaan leeyahay waad ku amaanatihiin arrintaasβ ayuu yidhi guddoomiye Nuur Faarax Xirsi .
SLpost News desk
kaafi20@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland