Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Urur-siyaasadeed DALSAN Munaasibad balaaadhan oo aasaaskiisa loogu qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadda ku-dhawaaqista urur-siyaasadeedka cusub oo ay ka soo qayb-galeen tiraba 236 xubnood oo kala socday dhammaan gobollada dalka, waxa ugu horreyn halkaas lagu faah-faahiyey manhajka siyaasadeed ee urur-siyaasadeedkan.
Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Dalsan Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare) oo ka hadlay xafladan ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaaΒ βWaxaanΒ aad iyo aad ugu mahad naqayaa aasaaseyaasha ka soo qeyb galay shirweynaha aasaaska ururkaΒ dalsan, waxaan ergada uga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee aad uga soo qeyb gasheen ee aad nooga ajiibteen casuumadan oo aad nala aasaasteen urur siyaasadeedkan. Waxaanay ergadani ka timidΒ gobolada Somaliland ururkani waa ururka nabadda iyo horumarinta ee dalsan. Dal wanaagsani waa kii nabad haysta.Somaliland waxay leedahay xuduud caalami ah oo rasmi ah.β
Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu si faahfaahsan uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay,Β waxaanu sheegayΒ inaanay qaranimada Somaliland gorgortan lahayn oo ay ku timid halgan qadhaadh.
βWaxaan leeyahay dawlada ha laga daayo in la yidhaahdo waxay na geynayaan Soomaaliya, madaxdeenu kumay dhawaaqin inay Soomaaliya inagu wadaan laakiin aan ka dayno hadalka Madaxweyne SiilaanyoΒ horena wuu ugu dhawaaqay in badan in Somaliland tahay dal madax banaan imikana wuu sheegay waxaan leeyahay aynu aamino waynu dhaarinay oo waynu dooranayeβe. Madaxweyneyaashii hore oo dhan iyagana waxa la lahaa waxay inageynayaan Soomaaliya, Daahir Rayaaleba waa tii lagu lahaa inamanuu geynin ee wakhtigiisii waa kii markii uu dhamaystay iska tagay. Cidina inama kaxayn karto. Haddii aan anigu caloosha ku haysto ILAAHAY inagama dhigee meel ma geyn karo haddii aanay dadkani ina ogolayn. Waxaan leeyahayΒ aynu la shaqayno kolba xukuumadii inoo dhalata.β
βWaxaan leeyahay xisbiyada qaar baa lahaa haddiiΒ la furo wax baa dhacaya, iyadoo la furayna wali way leeyihiin, waxaan leeyahay wax dhacayaa ma jiraan ururadan samaysmayaana waa ururo nabadeed,βayuu yidhi Ismaaciil Yare.
Guddoomiyuhu waxa uu tafaasiil ka bixiyay waxyaabaha ururkoodu kaga duwan yahay xisbiyada ka jira dalka waxaanu yidhi βUrurkaniΒ waxa uu kaga duwan yahay ururadii hore 32 qof ayaa odhan jiray waanu aasaasnay. Maanta waxaynu shirweynahan iskugu nimid 236 qof oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan ayaynu ku aasaasnay ururkan dalsan. Waxaanu noqon doonaa xisbi u dhashay ummadda reer Somaliland oo dhan waa xisbi u dhashay dhalinyarada, Haweenka iyo waayeelkaba. Waa urur u dhashay inuu ka midho dhaliyo dalkeena qaniga ah waxa uu u baahan yahay oo kaliya in laga shaqaysiiyo dadka aqoonta leh ee jooga gudaha iyo dibadaba.β
Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo ka hadlay furitaankii shirweynaha ururka dalsan oo Lagu soo marti qaaday waxa uu yidhiΒ Β βWaxaan ku faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galo wanqasha shirweynaha ururka siyaasiga ah ee cusub ee dalsan, dagaal badan ayaanu anagu ka galay inΒ ururada siyaasiga ah la furo ugu dambayn waa lagu guulaystay in la ogolaado. Waxaan ku faraxsan nahay in hawshii aan qeyb ku lahaa in maanta halkan loo fadhiyo. ILAAHAY waxaan uga baryayaa inuu ururkan ka dhigo mid ka mid ah sadexda urur ee ku soo baxa xisbinimada.β
SLpost News Desk
Hargeysa